1. Bogga hore
  2. Noocyada
  3. Fiqiga iyo usuushiisa

Xaddiis Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxaan ka xifdiyey toban Rakcadood

عَنِ ابْنِ عُمَرَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا قَالَ:
حَفِظْتُ مِنَ النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ عَشْرَ رَكَعَاتٍ: رَكْعَتَيْنِ قَبْلَ الظُّهْرِ، وَرَكْعَتَيْنِ بَعْدَهَا، وَرَكْعَتَيْنِ بَعْدَ المَغْرِبِ فِي بَيْتِهِ، وَرَكْعَتَيْنِ بَعْدَ العِشَاءِ فِي بَيْتِهِ، وَرَكْعَتَيْنِ قَبْلَ صَلاَةِ الصُّبْحِ، وَكَانَتْ سَاعَةً لاَ يُدْخَلُ عَلَى النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ فِيهَا، حَدَّثَتْنِي حَفْصَةُ أَنَّهُ كَانَ إِذَا أَذَّنَ المُؤَذِّنُ وَطَلَعَ الفَجْرُ صَلَّى رَكْعَتَيْنِ، وَفِي لَفْظٍ: أَنَّ النَّبِيَّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ كَانَ يُصَلِّي بَعْدَ الْجُمُعَةِ رَكْعَتَيْنِ.

Cabdullaahi Binu Cumar-Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey inuu yiri:
Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxaan ka xifdiyey toban Rakcadood: labo Duhurka ka horaysa, labo ka dambaysa, labo Maqribka ka dambaysa oo Gurigiisa uu ku tukan jiray, labo ka dambeeya Cishaha oo Gurigiisa ku tukan jiray, labo Subaxa ka horeeya, waxayna ahayd saacad aan loo soo galin Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, Xafsa ayaa ii sheegtay inuu ahaa marka uu Mu'adinku adimo ee fajrigu soo boxo wuxuu tukan jiray labo Rakcadood, hadalkale oo laga wariyey ayaa ahaa: wuxuu tukan jiray Jumcada ka dib labo Rakcadood.

Xadiis Saxiix ah Waa laysku waafaqay Xadiiska Riwaayadiisa dhamaan Saxiix AlBukhaari - 1180

Sharraxaad

Cabdullaahi Binu Cumar-Allaha ka raali ahaado isaga iyo Aabihiye-: wuxuu cadeeyey in sunayaasha uu Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ka xafiday ay yihiin toban Rakcadood oo la dhoho Sunooyinka Rawaatibta ah, laboRrakcadood oo Duhurka ka horeeya, iyo labo Rakcadood oo ka dambeeya, labo Rakcadood oo Maqribka ka dambeeya, oo Gurigiisa uu ku tukan jiray. labo Rakcadood oo Cishaha ka dambeeya, oo Gurigiisa uu ku tukan jiray. labo Rakcadood oo Fajarka ka horeeya. Sidaasay ku dhan yihiin tobankii Rakcadood. Salaada Jumcadana labo Rakcadood ayuu ka daba tukan jiray.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Rawaatibtaasi waa Suno, waana in la joogteeyo.
  2. Sunaha in Guriga lagu tukado waa Sharci.

Bandhigga tarjumada.

59 Tarjumada
EN English Engriisi
UR اردو Urduu
ES Español Isbaanish
ID Indonesia Indunuusi
UG ئۇيغۇرچە Luqadda iigoorka
BN বাংলা Luqadda Bengaaliga
FR Français Faransiis
TR Türkçe Luqadda Turkiga.
RU Русский Ruush
BS Bosanski Boosni
SI සිංහල Luqadda Sanhaaliga
HI हिन्दी Luqadda Hindida
ZH 中文 Luqadda Shiinaha
FA فارسی Luqadda Faarisiga
VI Tiếng Việt Luqadda fiitnaam
TL Tagalog Luqadda Tajaluga
KU Kurdî Kurdiga
HA Hausa Hawsaha
PT Português Boortaqiis
ML മലയാളം Malayaalim
TE తెలుగు Telgoo
SW Kiswahili Sawaaxili
TA தமிழ் Taymaali
MY မြန်မာ Boorma
TH ไทย Taylaand
DE Deutsch Jarmal
PS پښتو Luqadda bushtuuga
AS অসমীয়া Asaami
SQ Shqip Albaani
SV Svenska Luqadda iswiidhen
AM አማርኛ Luqadda Amxaariga
NL Nederlands Luqadda hoolandiga
GU ગુજરાતી Luqadda gujaraatka
KY Кыргызча Luqadda qer-qeesiya
NE नेपाली Luqadda nebool
YO Yorùbá Yorba
LT Lietuvių Luqadda Liitawaaniga
PRS دری Luqadda dariya
SR Српски Luqadda serbiga
TG тоҷикӣ Luqadda daajiika
RW Kinyarwanda Ruwanda
RO Română Luqadda roomaaniya
HU Magyar Luqadda hangeriga
CS Čeština Luqadda jeegga
MOS Moore الموري
MG Malagasy Malgaashi
OM Oromoo Oromo
KN ಕನ್ನಡ Luqadda kinaadiga
WO Wolof الولوف
AZ Azərbaycan Adrabijaan
UZ O‘zbek Luqadda usbiika
UK Українська Luqadda yukreyn
KA ქართული الجورجية
MK Македонски المقدونية
KM ភាសាខ្មែរ الخميرية
BM Bambara البامبارية
PA ਪੰਜਾਬੀ البنجابية
MR मराठी الماراثية
KMR Kurmancî الكرمنجية