عن تميم الداري رضي الله عنه أن النبي صلى الله عليه وسلم قال:
«الدِّينُ النَّصِيحَةُ» قُلْنَا: لِمَنْ؟ قَالَ: «لِلهِ وَلِكِتَابِهِ وَلِرَسُولِهِ وَلِأَئِمَّةِ الْمُسْلِمِينَ وَعَامَّتِهِمْ».

Tamiim Adaari Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri:
"Diintu waa naseexo " waxaan ku niri: yey u tahay: wuxuu yiri: " Ilaahay, Kitaabkiisa, Rasuulkiisa, Madaxda Muslimiinta, iyo guud ahaan Muslimiinta oo dhan "

Xadiis Saxiix ah Waxa wariyay Muslim Saxiix Muslim - 55

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay inay Diintu ku dhisan tahay ikhlaas iyo run, si loogu guto sidii Ilaahay u waajibiyey oo kaamila ee aan laga gaabin ama la qishin.
Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxaa lagu yiri: yey u tahay naseexo? wuxuuna yiri:
Tan kowaad: Ilaahay ayey u tahay isagaa koreeya oo nusqaan ka hufane: waana in loo khaalis yeelo camalka oo aan loo shariig yeelin ", oo aanu rumayno Rabinimadiisa, Ilaahnimadiisa, Magacyadiisa, Sifaadkiisa, arinkiisa oo la weyneeyo iyo dadkoo la gaarsiiyo inay Ilaahay rumeeyaan.
Tan labaad: kitaabkiisa Qur'aanka ah: ayey u tahay: waana inaan aamino inuu hadalkii Ilaahay yahay oo kii kutubtiisa u danbeeyey yahay, iyo inuu nasakhay dhamaan Shareecooyinkii isaga ka horeeyey, waa inaan weynayno oo si wanaagsan u akhrino oo ku camal falo Quraanka Muxkamkiisa, oo aanu u hogaansamo Mutashaabihiisa, oo aanu ka tagno kuwa Quraanka qaloociya oo bedela, waa inaan ku cibro qaadano waanadiisa, oo cilmigiisa faafino, dadkana ugu yeerno.
Tan seddexaad: waxay u tahay Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: taasoo ah in la rumeeyo inuu yahay kii u dambeeyey Rususha, oo aan rumayno wuxuu la yimid, oo aanu amarkiisa qaadano, wuxuu naga reebayna ka harno, oo aynaan Ilaahay ku caabudin wixii Nabigu la yimid maahee wax kale, oo Nabiga xaqiisa weynayno, oo Nabiga maamuusno, oo dacwadiisa fidino, oo Shareecadiisa faafino, oo tuhunka ka difaacno.
Tan afraad: Madaxda Muslimiinta ayey u tahay: taasoo ah in xaqa loogu kaalmeeyo, oo aan lagu qabsan Madaxtinimada, waana in la maqlo oo lagu adeeco Sharciga Ilaahay.
Tan shanaad: Muslimiintoo dhan ayey u tahay naseexo: waana in loo ixsaan falo oo khayrka loogu yeero, oo dhibka laga daayo, oo khayrka lala jeclaado, oo baarinimo iyo taqwo lagula dhaqmo.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Naseexada in la is faro dadka oo dhan ayey u taalaa.
  2. Nseexadu maqaamka ay Diinta ku leedahay wuu weyn yahay.
  3. Diintu waxay ka kooban tahay caqiido, oraah iyo camal fal.
  4. Naseexada waxaa ka mida in nafta kan loo naseexaynayo laga sifeeyo qishka iyo khayrka oo lala doono.
  5. Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee si fiican ayuu dadka wax u bari jirey isagoo shayga si guud u sheega ayuu hadana sii faahfaahinayey.
  6. Waxaa lagu bilaabaa shayba shayga uu ka muhiimsan yahay, waayo Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku bilaabay naseexada Ilaahay, ka dibna kitaabkiisa, ka dibna Nabigiisa ka dibna Madaxda Muslimiinta ka dibna Muslimiinta oo dhan.

Bandhigga tarjumada.

69 Tarjumada
EN English Engriisi
UR اردو Urduu
ES Español Isbaanish
ID Indonesia Indunuusi
UG ئۇيغۇرچە Luqadda iigoorka
BN বাংলা Luqadda Bengaaliga
FR Français Faransiis
TR Türkçe Luqadda Turkiga.
RU Русский Ruush
BS Bosanski Boosni
SI සිංහල Luqadda Sanhaaliga
HI हिन्दी Luqadda Hindida
ZH 中文 Luqadda Shiinaha
FA فارسی Luqadda Faarisiga
VI Tiếng Việt Luqadda fiitnaam
TL Tagalog Luqadda Tajaluga
KU Kurdî Kurdiga
HA Hausa Hawsaha
PT Português Boortaqiis
ML മലയാളം Malayaalim
TE తెలుగు Telgoo
SW Kiswahili Sawaaxili
TA தமிழ் Taymaali
MY မြန်မာ Boorma
TH ไทย Taylaand
DE Deutsch Jarmal
JA 日本語 Japan
PS پښتو Luqadda bushtuuga
AS অসমীয়া Asaami
SQ Shqip Albaani
SV Svenska Luqadda iswiidhen
AM አማርኛ Luqadda Amxaariga
NL Nederlands Luqadda hoolandiga
GU ગુજરાતી Luqadda gujaraatka
KY Кыргызча Luqadda qer-qeesiya
NE नेपाली Luqadda nebool
YO Yorùbá Yorba
LT Lietuvių Luqadda Liitawaaniga
PRS دری Luqadda dariya
SR Српски Luqadda serbiga
TG тоҷикӣ Luqadda daajiika
RW Kinyarwanda Ruwanda
RO Română Luqadda roomaaniya
HU Magyar Luqadda hangeriga
CS Čeština Luqadda jeegga
MOS Moore الموري
MG Malagasy Malgaashi
FF Fulfulde Luqadda foolaaniga
IT Italiano Talyaani
OM Oromoo Oromo
KN ಕನ್ನಡ Luqadda kinaadiga
WO Wolof الولوف
BG Български البلغارية
AZ Azərbaycan Adrabijaan
EL Ελληνικά اليونانية
AK Akan الأكانية
UZ O‘zbek Luqadda usbiika
UK Українська Luqadda yukreyn
KA ქართული الجورجية
LN Lingala اللينجالا
MK Македонски المقدونية
KM ភាសាខ្មែរ الخميرية
BM Bambara البامبارية
PA ਪੰਜਾਬੀ البنجابية
MR मराठी الماراثية
DA Dansk الدنماركية
RN Kirundi الكيروندي
KMR Kurmancî الكرمنجية
MS Bahasa Melayu الملايو