1. Bogga hore
  2. Noocyada
  3. Fiqiga iyo usuushiisa

Xaddiis Allahayow waxaan kaa magan gelayaa Cadaabta Qabriga, iyo Cadaabta Naarta, fitnada nolosha iyo dhimashada, iyo fitnada Masiixu Dajaal

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ قَالَ:
كَانَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَدْعُو وَيَقُولُ: «اللَّهُمَّ إِنِّي أَعُوذُ بِكَ مِنْ عَذَابِ القَبْرِ، وَمِنْ عَذَابِ النَّارِ، وَمِنْ فِتْنَةِ المَحْيَا وَالمَمَاتِ، وَمِنْ فِتْنَةِ المَسِيحِ الدَّجَّالِ». وفِي لَفْظٍ لِمُسْلِمٍ: «إِذَا فَرَغَ أَحَدُكُمْ مِنَ التَّشَهُّدِ الْآخِرِ، فَلْيَتَعَوَّذْ بِاللهِ مِنْ أَرْبَعٍ: مِنْ عَذَابِ جَهَنَّمَ، وَمِنْ عَذَابِ الْقَبْرِ، وَمِنْ فِتْنَةِ الْمَحْيَا وَالْمَمَاتِ، وَمِنْ شَرِّ الْمَسِيحِ الدَّجَّالِ».

Abii Hurayra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri:
Wuxuu ahaa Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee mid ku ducaysta oo dhaha: "Allahayow waxaan kaa magan gelayaa Cadaabta Qabriga, iyo Cadaabta Naarta, fitnada nolosha iyo dhimashada, iyo fitnada Masiixu Dajaal." hadal kale oo Muslim leeyahay wuxuu ahaa: "markuu midkiin dhamaysto Ataxiyaadka u dambeeya, Ilaahay ha ka magan galo afar: cadaabta jahanama, cadaabta qabriga, fitnada nolosha iyo dhimashada, iyo sharka Masiixu Dajaal."

Xadiis Saxiix ah Xadiis la isku waafaqay Saxiix AlBukhaari - 1377

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ahaa mid Ilaahay ka magan gala afar, Ataxiyaadka u dambeeya ka dib, iyo salaama naqsiga ka hor, wuxuuna nafaray inaan Ilaahay ka magan galno afartaa,
Tan 1aad: Cadaabta Qabriga.
Tan 2aad: Cadaabta Naarta ee Maalinta Qiyaamaha.
Tan 3aad: fitnada nolosha, ee ah Shahawaatka Aduunyada ee xaaraanta ah iyo shubuhaadka lagu lumo iyo fitnada dhimashada, waa marka sakaraadku jiro, oo Islaamnimada ama Sunada uu ka leexdo, fitnada Qabriga sida su'aasha labada Malag.
Tan 4aad: fitnada Masiixu Dajaal ka soo bixidoona Aakhiru Samaanka, Ilaahayna Adoomadiisa ku imtixaamayo, wuxuuna sigaar ah ugu xusay fitmadiisa oo aad u wayn iyo dadka oo uu baadiyeynaayo.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Magan galkaani waa waxa ugu muhimsan ducada wax badana soo hoos galayaan, waayo waxaa soo galaya in laga magan galo Sharka Aduunka iyo Aakhiraba.
  2. Waa sugan yahay Cadaabul Qabrigu waana xaq.
  3. Fitantu waa khatar waana muhiim in Ilaahay la kaalmaysto oo lana baryo si looga nabad galo.
  4. Way sugan tahay soo bixida Dajaal fitnadiisuna waa wayn tahay.
  5. waxaa Suna ah ducadan in la Akhristo Ataxiyaadka u dambeeya ka dib.
  6. camalka saalixa ah ka dib ducadu waa Suno

Bandhigga tarjumada.

59 Tarjumada
EN English Engriisi
UR اردو Urduu
ES Español Isbaanish
ID Indonesia Indunuusi
UG ئۇيغۇرچە Luqadda iigoorka
BN বাংলা Luqadda Bengaaliga
FR Français Faransiis
TR Türkçe Luqadda Turkiga.
RU Русский Ruush
BS Bosanski Boosni
SI සිංහල Luqadda Sanhaaliga
HI हिन्दी Luqadda Hindida
ZH 中文 Luqadda Shiinaha
FA فارسی Luqadda Faarisiga
VI Tiếng Việt Luqadda fiitnaam
TL Tagalog Luqadda Tajaluga
KU Kurdî Kurdiga
HA Hausa Hawsaha
PT Português Boortaqiis
ML മലയാളം Malayaalim
TE తెలుగు Telgoo
SW Kiswahili Sawaaxili
TA தமிழ் Taymaali
MY မြန်မာ Boorma
TH ไทย Taylaand
DE Deutsch Jarmal
PS پښتو Luqadda bushtuuga
AS অসমীয়া Asaami
SQ Shqip Albaani
SV Svenska Luqadda iswiidhen
AM አማርኛ Luqadda Amxaariga
NL Nederlands Luqadda hoolandiga
GU ગુજરાતી Luqadda gujaraatka
KY Кыргызча Luqadda qer-qeesiya
NE नेपाली Luqadda nebool
YO Yorùbá Yorba
LT Lietuvių Luqadda Liitawaaniga
PRS دری Luqadda dariya
SR Српски Luqadda serbiga
TG тоҷикӣ Luqadda daajiika
RW Kinyarwanda Ruwanda
RO Română Luqadda roomaaniya
HU Magyar Luqadda hangeriga
CS Čeština Luqadda jeegga
MOS Moore الموري
MG Malagasy Malgaashi
OM Oromoo Oromo
KN ಕನ್ನಡ Luqadda kinaadiga
WO Wolof الولوف
AZ Azərbaycan Adrabijaan
UZ O‘zbek Luqadda usbiika
UK Українська Luqadda yukreyn
KA ქართული الجورجية
MK Македонски المقدونية
KM ភាសាខ្មែរ الخميرية
BM Bambara البامبارية
PA ਪੰਜਾਬੀ البنجابية
MR मराठी الماراثية
KMR Kurmancî الكرمنجية