1. Bogga hore
  2. Noocyada
  3. Fiqiga iyo usuushiisa

Xaddiis Waxaan balan kula galay Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-inaan qiro Ilaahay maahee inaan Ilaah kale uusan jirin, Maxamadna Rasuulka Ilaahay soodiray yahay, iyo salaada oo la oogo, sakada oo la bixiyo, iyo in la is maqalo oo la is adeeco iyo in muslim walba loo nasexeeyo

عَنْ جَرِيرِِ بْنِ عَبْدِ اللَّهِ رضي الله عنه قَالَ:
بَايَعْتُ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ عَلَى شَهَادَةِ أَنْ لاَ إِلَهَ إِلَّا اللَّهُ، وَأَنَّ مُحَمَّدًا رَسُولُ اللَّهِ، وَإِقَامِ الصَّلاَةِ، وَإِيتَاءِ الزَّكَاةِ، وَالسَّمْعِ وَالطَّاعَةِ، وَالنُّصْحِ لِكُلِّ مُسْلِمٍ.

Jariir Binu Cabdullaahi-Allaha ka raali ahaadee-waxaa laga wariyey inuu yiri:
Waxaan balan kula galay Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-inaan qiro Ilaahay maahee inaan Ilaah kale uusan jirin, Maxamadna Rasuulka Ilaahay soodiray yahay, iyo salaada oo la oogo, sakada oo la bixiyo, iyo in la is maqalo oo la is adeeco iyo in muslim walba loo nasexeeyo.

Xadiis Saxiix ah Xadiis la isku waafaqay Saxiix AlBukhaari - 2157

Sharraxaad

Asaxaabiga Jariir Binu Cabdullaahi-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu sheegay inuu Nabiga -naxariis iyo nabadi korkiisa ah ahaatee- uu balan kula galay tawxiidka Ilaahay, gudashada salaadaha shanta ah ee faralka ah maalinta iyo habeenka, iyadoo uu u dhamaystirayo shuruudeeda, arkaanteeda, waajibaadkeeda, sunanteeda, bixinta sakada waajibka ah, waana cibaado maali ah oo waajib ah, taasoo laga qaado kuwa xoolaha leh oo la siinayo kuwa xaqa u leh ee fuqarada iyo kuwa lamidka ah, iyo inuu adeeco madaxda, oo muslim kasta u naseexeeyo, isagoo ku dadaalaya wax tarkiisa iyo inuu khayrka gaarsiiyo, oo sharka ka difaaco hadal ahaan iyo ficil ahaanba .

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. xadiiska waxaa ku sugan muhimada ay leeyihiin salaada iyo sakadu, waxayna ka mid yihiin arkaanta Islaamka.
  2. muhimad wayn ayey leedahay waanada iyo inay isu naseexeeyaan muslimiintu, ilaa uu Rasuulku naxariis iyo nabdi korkiisa ha ahaatee kula mubaayacooday asxaabta.

Bandhigga tarjumada.

58 Tarjumada
EN English Engriisi
UR اردو Urduu
ES Español Isbaanish
ID Indonesia Indunuusi
UG ئۇيغۇرچە Luqadda iigoorka
BN বাংলা Luqadda Bengaaliga
FR Français Faransiis
TR Türkçe Luqadda Turkiga.
RU Русский Ruush
BS Bosanski Boosni
SI සිංහල Luqadda Sanhaaliga
HI हिन्दी Luqadda Hindida
ZH 中文 Luqadda Shiinaha
FA فارسی Luqadda Faarisiga
VI Tiếng Việt Luqadda fiitnaam
TL Tagalog Luqadda Tajaluga
KU Kurdî Kurdiga
HA Hausa Hawsaha
PT Português Boortaqiis
ML മലയാളം Malayaalim
TE తెలుగు Telgoo
SW Kiswahili Sawaaxili
MY မြန်မာ Boorma
TH ไทย Taylaand
DE Deutsch Jarmal
PS پښتو Luqadda bushtuuga
AS অসমীয়া Asaami
SQ Shqip Albaani
SV Svenska Luqadda iswiidhen
AM አማርኛ Luqadda Amxaariga
NL Nederlands Luqadda hoolandiga
GU ગુજરાતી Luqadda gujaraatka
KY Кыргызча Luqadda qer-qeesiya
NE नेपाली Luqadda nebool
YO Yorùbá Yorba
LT Lietuvių Luqadda Liitawaaniga
PRS دری Luqadda dariya
SR Српски Luqadda serbiga
TG тоҷикӣ Luqadda daajiika
RW Kinyarwanda Ruwanda
RO Română Luqadda roomaaniya
HU Magyar Luqadda hangeriga
CS Čeština Luqadda jeegga
MOS Moore الموري
MG Malagasy Malgaashi
IT Italiano Talyaani
OM Oromoo Oromo
KN ಕನ್ನಡ Luqadda kinaadiga
WO Wolof الولوف
AZ Azərbaycan Adrabijaan
UZ O‘zbek Luqadda usbiika
UK Українська Luqadda yukreyn
KA ქართული الجورجية
MK Македонски المقدونية
KM ភាសាខ្មែរ الخميرية
PA ਪੰਜਾਬੀ البنجابية
MR मराठी الماراثية
KMR Kurmancî الكرمنجية