1. Bogga hore
  2. Noocyada
  3. Dacwada iyo Xisbada

Xaddiis Waxaa imaan doona kuwo Madaxa oo samayndoona waxaad ku raacsan tihiin iyo waxaad ku diidan tihiinba, َofkii ku raaca wixii saxa wuu is beri yeelay, َofkii ku diida wixii khalad ahna wuu badbaadey, laakiin khaladku waa َofkii xumaha ku raaca

عَنْ أُمِّ سَلَمَةَ أُمِّ المُؤمنين رضي الله عنها: أَنَّ رَسُولَ اللهِ صلى الله عليه وسلم قَالَ:
«سَتَكُونُ أُمَرَاءُ فَتَعْرِفُونَ وَتُنْكِرُونَ، فَمَنْ عَرَفَ بَرِئَ، وَمَنْ أَنْكَرَ سَلِمَ، وَلَكِنْ مَنْ رَضِيَ وَتَابَعَ» قَالُوا: أَفَلَا نُقَاتِلُهُمْ؟ قَالَ: «لَا، مَا صَلَّوْا».

Umu ٍSalama, Muuminiinta Hooyadood -Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey in Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri:
"Waxaa imaan doona kuwo Madaxa oo samayndoona waxaad ku raacsan tihiin iyo waxaad ku diidan tihiinba, َofkii ku raaca wixii saxa wuu is beri yeelay, َofkii ku diida wixii khalad ahna wuu badbaadey, laakiin khaladku waa َofkii xumaha ku raaca oo ku raali noqda, waxay yiraahdeen: ma la diriraynaa? wuxuu yiri: maya, inta ay tukanayaan".

Xadiis Saxiix ah Waxa wariyay Muslim Saxiix Muslim - 1854

Sharraxaad

Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay inay ina maamuli doonaan Madax sameyndoona shaqo aanu naqaan waafaqsana Sharciga aanu naqaan, waxay kaloo sameyn doonaan shaqo aan ku diidayno waayo waxay khilaafsan tahay Sharciga. Qofkii qalbigiisa ka diida Munkarka ee aan awoodin inuu ka hadlo diidana, Danbiga iyo Nifaaqa beri ayuu ka noqday. Qofka awooda inuu Madaxda ku diido Gacan ahaan ama Carab ahaan ee Madaxda ku diida Xumaha wuu ka badbaaday Macsida iyo inuu ka qaybqaato Xumaha. Laakiin Qofka ka raali noqda ee ku raaca Xumaha wuu halaagsamin siday u halaagsameen.
Ka dib waxay waydiiyeen Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inay la dagaalamaan Madaxda xaalkuudu sidaa yahay?, wuuna u diiday Rasuulku arinkaa, wuxuuna ku yiri: maya, intay Salaada idinla oogayaan.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Xadiiska waxaa ku sugan wax yaabo tusinaaya nabinimada Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waayo wuxuu sheegay waxa dhicidoona ee qaybka ah waxayna u dheceen sidii uu u sheegay.
  2. Ma banaana in laga raali ahaado Munkarka iyo in laga qayb qaato, waana waajib in la diido.
  3. Hadii Madaxdu sameeyaan wax Shareecada khilaafsan ma banaana in lagu raaco arinkaas.
  4. Madaxda Muslimiinta in lala dagaalo ma banaana, waayo waxaa ka dhalanaya fasaad, dhiig la daadiyo iyo amniga oo la waayo, in loo adkaysto Munkarka Madaxda caasiga ah oo lagu sabro dhibkooda ayaa ka sahlan in lala dagaalo.
  5. Salaada arinkeedu waa mid aad u weyn, iyadaana kala saarta Kufriga iyo Islaamka.

Bandhigga tarjumada.

59 Tarjumada
EN English Engriisi
UR اردو Urduu
ES Español Isbaanish
ID Indonesia Indunuusi
UG ئۇيغۇرچە Luqadda iigoorka
BN বাংলা Luqadda Bengaaliga
TR Türkçe Luqadda Turkiga.
RU Русский Ruush
BS Bosanski Boosni
SI සිංහල Luqadda Sanhaaliga
HI हिन्दी Luqadda Hindida
ZH 中文 Luqadda Shiinaha
FA فارسی Luqadda Faarisiga
VI Tiếng Việt Luqadda fiitnaam
TL Tagalog Luqadda Tajaluga
KU Kurdî Kurdiga
HA Hausa Hawsaha
PT Português Boortaqiis
ML മലയാളം Malayaalim
TE తెలుగు Telgoo
SW Kiswahili Sawaaxili
TA தமிழ் Taymaali
MY မြန်မာ Boorma
TH ไทย Taylaand
DE Deutsch Jarmal
JA 日本語 Japan
PS پښتو Luqadda bushtuuga
AS অসমীয়া Asaami
SQ Shqip Albaani
SV Svenska Luqadda iswiidhen
AM አማርኛ Luqadda Amxaariga
NL Nederlands Luqadda hoolandiga
GU ગુજરાતી Luqadda gujaraatka
KY Кыргызча Luqadda qer-qeesiya
NE नेपाली Luqadda nebool
YO Yorùbá Yorba
LT Lietuvių Luqadda Liitawaaniga
PRS دری Luqadda dariya
SR Српски Luqadda serbiga
TG тоҷикӣ Luqadda daajiika
RW Kinyarwanda Ruwanda
RO Română Luqadda roomaaniya
HU Magyar Luqadda hangeriga
CS Čeština Luqadda jeegga
MOS Moore الموري
MG Malagasy Malgaashi
OM Oromoo Oromo
KN ಕನ್ನಡ Luqadda kinaadiga
WO Wolof الولوف
AZ Azərbaycan Adrabijaan
UZ O‘zbek Luqadda usbiika
UK Українська Luqadda yukreyn
KA ქართული الجورجية
MK Македонски المقدونية
KM ភាសាខ្មែរ الخميرية
BM Bambara البامبارية
PA ਪੰਜਾਬੀ البنجابية
MR मराठी الماراثية
KMR Kurmancî الكرمنجية