1. Bogga hore
  2. Noocyada
  3. Caqiidada

Xaddiis Qofka la yimaada waxaan Diinteena ka mid ahayn waa lagu celinayaa

عَنْ عَائِشَةَ رضي الله عنها قَالَتْ: قَالَ رَسُولُ اللهِ صلى الله عليه وسلم:
«مَنْ أَحْدَثَ فِي أَمْرِنَا هَذَا مَا لَيْسَ فِيهِ فَهُوَ رَدٌّ» متفق عليه. ولمسلم: «مَنْ عَمِلَ عَمَلًا لَيْسَ عَلَيْهِ أَمْرُنَا فَهُوَ رَدٌّ».

Caa'isha Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inay tiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri:
"Qofka la yimaada waxaan Diinteena ka mid ahayn waa lagu celinayaa". waa mutafaq. Muslimna wuxuu leeyahay: "Qofka sameeya camal aan Diinteena ku jirin waa lagu celinayaa".

Xadiis Saxiix ah Xadiis la isku waafaqay Saxiix AlBukhaari - 2697

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in Qofka ku soo dara Diinta wax aan ku jirin, ama sameeya camal aan lahayn daliil Kitaabka iyo Sunada ah waa lagu celinayaa Ilaahayna ma aqbalaayo.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Cibaadadu waxay ku dhisan tahay wixii ku soo arooray Qur'aanka iyo Sunada Nabiga, Ilaahay ku caabudimayno wuxuu jideeyey mooyee oo Bidco iyo wax gadaal laga keenay ku caabudimayno.
  2. Diintu maaha Ra'ayi iyo sida Qofku jecel yahay, balse waa raacid Rasuulka la raaco nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee .
  3. Xadiiskani wuxuu daliil u yahay Diinta kaamilnimadeeda.
  4. Bidcadu waa wax kasta oo Diinta lagu soo daro ee aan jirin waqtigii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee iyo Asxaabtiisa ee ah caqiido ama hadal ama camal.
  5. Xadiiskani wa asal ka mida usuusha Islaamka camalkana wuxuu u yahay sida miisaanka, sida camal walba ee aan loo la jeedin Ilaahay darti uusan Qofku ajar uga helayn ayaa camal walba ee aan waafaqsanayn wixii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu la yimid waa lagu celinayaa Qofkii sameeyey.
  6. Xadiiska waxaa ku sugan in wax yaabaha gadaal laga keenay ee la reebay ay yihiin wixii ku saabsan arimaha Diinta ee aan ahayn arimo Aduunyo.

Bandhigga tarjumada.

65 Tarjumada
EN English Engriisi
UR اردو Urduu
ES Español Isbaanish
ID Indonesia Indunuusi
UG ئۇيغۇرچە Luqadda iigoorka
BN বাংলা Luqadda Bengaaliga
FR Français Faransiis
TR Türkçe Luqadda Turkiga.
RU Русский Ruush
BS Bosanski Boosni
SI සිංහල Luqadda Sanhaaliga
HI हिन्दी Luqadda Hindida
ZH 中文 Luqadda Shiinaha
FA فارسی Luqadda Faarisiga
VI Tiếng Việt Luqadda fiitnaam
TL Tagalog Luqadda Tajaluga
KU Kurdî Kurdiga
HA Hausa Hawsaha
PT Português Boortaqiis
ML മലയാളം Malayaalim
TE తెలుగు Telgoo
SW Kiswahili Sawaaxili
TA தமிழ் Taymaali
MY မြန်မာ Boorma
TH ไทย Taylaand
DE Deutsch Jarmal
JA 日本語 Japan
PS پښتو Luqadda bushtuuga
AS অসমীয়া Asaami
SQ Shqip Albaani
SV Svenska Luqadda iswiidhen
AM አማርኛ Luqadda Amxaariga
NL Nederlands Luqadda hoolandiga
GU ગુજરાતી Luqadda gujaraatka
KY Кыргызча Luqadda qer-qeesiya
NE नेपाली Luqadda nebool
YO Yorùbá Yorba
LT Lietuvių Luqadda Liitawaaniga
PRS دری Luqadda dariya
SR Српски Luqadda serbiga
TG тоҷикӣ Luqadda daajiika
RW Kinyarwanda Ruwanda
RO Română Luqadda roomaaniya
HU Magyar Luqadda hangeriga
CS Čeština Luqadda jeegga
MOS Moore الموري
MG Malagasy Malgaashi
FF Fulfulde Luqadda foolaaniga
OM Oromoo Oromo
KN ಕನ್ನಡ Luqadda kinaadiga
WO Wolof الولوف
AZ Azərbaycan Adrabijaan
UZ O‘zbek Luqadda usbiika
UK Українська Luqadda yukreyn
KA ქართული الجورجية
MK Македонски المقدونية
KM ភាសាខ្មែរ الخميرية
BM Bambara البامبارية
PA ਪੰਜਾਬੀ البنجابية
MR मराठी الماراثية
DA Dansk الدنماركية
RN Kirundi الكيروندي
YAO Yao الياو
KMR Kurmancî الكرمنجية
MS Bahasa Melayu الملايو