1. Bogga hore
  2. Noocyada
  3. Caqiidada

Xaddiis Qofka dadka hanuun ugu yeera wuxuu helayaa ajarka ay helayaan dadka hanuunka ku raacay mid la mida, iyagoon ajarkooda laga nusqaamin

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه أَنَّ رَسُولَ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ:
«مَنْ دَعَا إِلَى هُدًى كَانَ لَهُ مِنَ الْأَجْرِ مِثْلُ أُجُورِ مَنْ تَبِعَهُ، لَا يَنْقُصُ ذَلِكَ مِنْ أُجُورِهِمْ شَيْئًا، وَمَنْ دَعَا إِلَى ضَلَالَةٍ كَانَ عَلَيْهِ مِنَ الْإِثْمِ مِثْلُ آثَامِ مَنْ تَبِعَهُ، لَا يَنْقُصُ ذَلِكَ مِنْ آثَامِهِمْ شَيْئًا».

Abii Hureyra -Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay -nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee- uu yiri:
"Qofka dadka hanuun ugu yeera wuxuu helayaa ajarka ay helayaan dadka hanuunka ku raacay mid la mida, iyagoon ajarkooda laga nusqaamin, qofkase ugu yeera dadka Baadil wuxuu helayaa dambiga ay yeeshaan dadka ku raacay Baadilka, iyadoo aan danbigoodii waxba laga nusqaamin."

Xadiis Saxiix ah Waxa wariyay Muslim Saxiix Muslim - 2674

Sharraxaad

Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee wuxuu cadeeyey- in qofka dadka ku haga, tusa, oo ku booriya wanaaga iyo kheyrka hadal iyo ficil kuu doonaba ha ahaadee, inuu helayo ajar la mida ajarka dadka kheyrka ku raaca uu helayo, iyadoon waxba laga dhimayn ajarkooda. Qofkase dadka ku haga ee tusa dariiqa Baadilka iyo Shar danbigi iyo gaf ku jiraan ama arin aan banaanayn, hadal iyo ficil kuu doonaba ha ahaadee, wuxuu helayaa Dambiga ay yeelanayaan dadka Xumaanta ku raacay, iyagoo aan laga nusqaamin Dambiyadooda waxba.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Fadli weyn baa ku jira dadka oo hanuunka iyo kheyrka loogu yeero, ha badnaato ama ha yaraatee, qofka daaciga ah ee dadka kheyrka u hor seedana wuxuu leeyahay ajarka qofka waanagiisa ku camal falay oo kale, arinkaasina waa fadliga Ilaahay iyo kaamilnimada deeqsinimadiisa.
  2. khatar ayaa ku jirta dadka oo xumaan loogu yeero, wax weyn iyo wax yar kay doontaba ha ahaatee, midka xumaanta ugu yeeraya dadka wuxuu leeyahay Dambiga uu helayo kan Xumaanta ka qaatay ee uu sameeyey.
  3. Abaal marintu waa nooca hadba camalku yahay, qofka kheyr dadka ugu yeera kheyrkaa cida sameysa ajarkeedoo kale ayuu helayaa, midka Sharka ugu yeerana Sharkaa cida sameysa Dambiga ay ka helayaan oo kale ayuu leeyahay.
  4. Qofka Muslimka ah waa inuu ka digtoonaadaa in lagaga daydo Xumaanta uu muujiyey dadka hortiisa, waayo waxaa dusha loo saarin Dambiga dadka kaga dayda xumaanta waloow yaanu ku boorine.

Bandhigga tarjumada.

58 Tarjumada
EN English Engriisi
UR اردو Urduu
ES Español Isbaanish
ID Indonesia Indunuusi
UG ئۇيغۇرچە Luqadda iigoorka
BN বাংলা Luqadda Bengaaliga
TR Türkçe Luqadda Turkiga.
RU Русский Ruush
BS Bosanski Boosni
SI සිංහල Luqadda Sanhaaliga
HI हिन्दी Luqadda Hindida
ZH 中文 Luqadda Shiinaha
FA فارسی Luqadda Faarisiga
VI Tiếng Việt Luqadda fiitnaam
TL Tagalog Luqadda Tajaluga
KU Kurdî Kurdiga
HA Hausa Hawsaha
PT Português Boortaqiis
ML മലയാളം Malayaalim
TE తెలుగు Telgoo
SW Kiswahili Sawaaxili
TA தமிழ் Taymaali
MY မြန်မာ Boorma
TH ไทย Taylaand
DE Deutsch Jarmal
PS پښتو Luqadda bushtuuga
AS অসমীয়া Asaami
SQ Shqip Albaani
SV Svenska Luqadda iswiidhen
AM አማርኛ Luqadda Amxaariga
NL Nederlands Luqadda hoolandiga
GU ગુજરાતી Luqadda gujaraatka
KY Кыргызча Luqadda qer-qeesiya
NE नेपाली Luqadda nebool
YO Yorùbá Yorba
LT Lietuvių Luqadda Liitawaaniga
PRS دری Luqadda dariya
SR Српски Luqadda serbiga
TG тоҷикӣ Luqadda daajiika
RW Kinyarwanda Ruwanda
RO Română Luqadda roomaaniya
HU Magyar Luqadda hangeriga
CS Čeština Luqadda jeegga
MOS Moore الموري
MG Malagasy Malgaashi
OM Oromoo Oromo
KN ಕನ್ನಡ Luqadda kinaadiga
WO Wolof الولوف
AZ Azərbaycan Adrabijaan
UZ O‘zbek Luqadda usbiika
UK Українська Luqadda yukreyn
KA ქართული الجورجية
MK Македонски المقدونية
KM ភាសាខ្មែរ الخميرية
BM Bambara البامبارية
PA ਪੰਜਾਬੀ البنجابية
MR मराठी الماراثية
KMR Kurmancî الكرمنجية