1. Bogga hore
  2. Noocyada
  3. Dacwada iyo Xisbada

Xaddiis dhamaantiin waxaad tihiin Ilaaliye, waana la waydiin wixii la raaciyey,

عَنْ عَبْدِ اللَّهِ بنِ عُمرَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُما أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ:
«كُلُّكُمْ رَاعٍ فَمَسْئُولٌ عَنْ رَعِيَّتِهِ، فَالأَمِيرُ الَّذِي عَلَى النَّاسِ رَاعٍ وَهُوَ مَسْئُولٌ عَنْهُمْ، وَالرَّجُلُ رَاعٍ عَلَى أَهْلِ بَيْتِهِ وَهُوَ مَسْئُولٌ عَنْهُمْ، وَالمَرْأَةُ رَاعِيَةٌ عَلَى بَيْتِ بَعْلِهَا وَوَلَدِهِ وَهِيَ مَسْئُولَةٌ عَنْهُمْ، وَالعَبْدُ رَاعٍ عَلَى مَالِ سَيِّدِهِ وَهُوَ مَسْئُولٌ عَنْهُ، أَلاَ فَكُلُّكُمْ رَاعٍ وَكُلُّكُمْ مَسْئُولٌ عَنْ رَعِيَّتِهِ».

Cabdullaahi Binu Cumar-Allaha ka raalli ahaadee waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri:
"dhamaantiin waxaad tihiin Ilaaliye, waana la waydiin wixii la raaciyey, Amiirka dadka maamula waa ilaaliye isagaana la waydiin masuuliyadii uu hayey, ninka waxaa la raaciyey Qoyskiisa waana la waydiin, Gabadha Xaaska ahna waxaa la raaciyey Guriga ninkeeda iyo Caruurtiisa waana la waydiindoonaa, Adoonka waxaa la raaciyey Xoolaha sayidkiisa waana la waydiindoonaa, war hooy dhamaantiin ilaaliyeyaal ayaad tihiin dhamaantiina waa la idin weydiindoonaa wixii la idin raaciyey."

Xadiis Saxiix ah Xadiis la isku waafaqay Saxiix AlBukhaari - 2554

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Qof walba oo Muslima ay ka saaran tahay Bulshada masuuliyad ay tahay inuu ilaaliyo oo ka soo boxo. Imaamka iyo Amiirku waxay ilaalinayaan wixii Ilaahay raaciyey, waxaa laga rabaa inay ilaaliyaan Sharcga, oo ay ka difaacaan cidii dulmi wada, oo ay ku Jihaadaan Cadowgooda, oo aysan dayicin xaqooda. Ninkuna wuxuu masuul ka yahay inuu Qoyskiisa biilo, oo uu si fiican ula dhaqmo, oo uu wax baro oo uu edbiyo. Gabadhana waxaa la raaciyey Guriga ninkeeda waa inay si fiican u maamusho Gurigiisa oo ay tarbiyeyso Caruurtiisa, iyadaana masuul ka ah arinkaas. Qofka khidmeeya ee Adoonka ah iyo kan Shaqaalaha ah waxay masuul ka yihiin Xoolaha Sayidkooda waa inay ilaaliyaan wixii uu u dhiibay iyo shaqadii uu u diray, iyagaana masuul ka ah arinkaas. Qofkasta wuxuu masuul ka yahay wixii la raaciyey, qof walbana waa la waydiinayaa wixii la raaciyey.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Masuuliyada Bulshada Muslimka ah waa mid guud, Qof kastana waxaa laga rabaa inta awooddiisa iyo mas'uuliyadiisu tahay, ee uu gudan karo.
  2. Masuuliyada Dumarka saarani waa mid weyn, waxaana laga rabaa inay si wanaagsan u gudato waajibka ka saaran Guriga ninkeeda iyo kan Caruurteeda.

Bandhigga tarjumada.

57 Tarjumada
EN English Engriisi
UR اردو Urduu
ES Español Isbaanish
ID Indonesia Indunuusi
UG ئۇيغۇرچە Luqadda iigoorka
BN বাংলা Luqadda Bengaaliga
TR Türkçe Luqadda Turkiga.
RU Русский Ruush
BS Bosanski Boosni
SI සිංහල Luqadda Sanhaaliga
HI हिन्दी Luqadda Hindida
ZH 中文 Luqadda Shiinaha
FA فارسی Luqadda Faarisiga
VI Tiếng Việt Luqadda fiitnaam
TL Tagalog Luqadda Tajaluga
KU Kurdî Kurdiga
HA Hausa Hawsaha
PT Português Boortaqiis
ML മലയാളം Malayaalim
TE తెలుగు Telgoo
SW Kiswahili Sawaaxili
MY မြန်မာ Boorma
TH ไทย Taylaand
DE Deutsch Jarmal
PS پښتو Luqadda bushtuuga
AS অসমীয়া Asaami
SQ Shqip Albaani
SV Svenska Luqadda iswiidhen
AM አማርኛ Luqadda Amxaariga
NL Nederlands Luqadda hoolandiga
GU ગુજરાતી Luqadda gujaraatka
KY Кыргызча Luqadda qer-qeesiya
NE नेपाली Luqadda nebool
YO Yorùbá Yorba
LT Lietuvių Luqadda Liitawaaniga
PRS دری Luqadda dariya
SR Српски Luqadda serbiga
TG тоҷикӣ Luqadda daajiika
RW Kinyarwanda Ruwanda
RO Română Luqadda roomaaniya
HU Magyar Luqadda hangeriga
CS Čeština Luqadda jeegga
MOS Moore الموري
MG Malagasy Malgaashi
IT Italiano Talyaani
OM Oromoo Oromo
KN ಕನ್ನಡ Luqadda kinaadiga
WO Wolof الولوف
AZ Azərbaycan Adrabijaan
UZ O‘zbek Luqadda usbiika
UK Українська Luqadda yukreyn
KA ქართული الجورجية
MK Македонски المقدونية
KM ភាសាខ្មែរ الخميرية
PA ਪੰਜਾਬੀ البنجابية
MR मराठी الماراثية
KMR Kurmancî الكرمنجية