عن أَنَسَ بْنَ مَالِكٍ رضي الله عنه قال:
بينما نحن جلوس مع النبي صلى الله عليه وسلم في المسجد دخل رجل على جمل، فأناخه في المسجد ثم عقله، ثم قال لهم: أيكم محمد؟ والنبي صلى الله عليه وسلم متكئ بين ظهرانيهم، فقلنا: هذا الرجل الأبيض المتكئ. فقال له الرجل: يا ابن عبد المطلب فقال له النبي صلى الله عليه وسلم: «قد أجبتك». فقال الرجل للنبي صلى الله عليه وسلم: إني سائلك فمشدد عليك في المسألة، فلا تجد علي في نفسك؟ فقال: «سل عما بدا لك» فقال: أسألك بربك ورب من قبلك، آلله أرسلك إلى الناس كلهم؟ فقال: «اللهم نعم». قال: أنشدك بالله، آلله أمرك أن نصلي الصلوات الخمس في اليوم والليلة؟ قال: «اللهم نعم». قال: أنشدك بالله، آلله أمرك أن نصوم هذا الشهر من السنة؟ قال: «اللهم نعم». قال: أنشدك بالله، آلله أمرك أن تأخذ هذه الصدقة من أغنيائنا فتقسمها على فقرائنا؟ فقال النبي صلى الله عليه وسلم: «اللهم نعم». فقال الرجل: آمنت بما جئت به، وأنا رسول من ورائي من قومي، وأنا ضمام بن ثعلبة أخو بني سعد بن بكر.
المزيد
Annas Binu Maalik Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri:
Anagoo masaajidka la fadhina Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaa nin riti fuushan la soo galay masjidka, wuxuu ritigii ku arumay masjidka, ka dibna masjidka ayuu ku xirtay, ka dib dadkii wuxuu ku yiri: kiineeba ah Maxamed? Nabigun scw asxaabta dhexdooda ayuu xusul mudan yahay, markaasaan ku niri: waa ninkaa cad ee xusul mudan, ninkii wuxuu Nabiga ku yiri: ina Cabdul Mudalibow, Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku yiri: waan ku ajiibay. Ninkii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku yiri: waan ku waydiinayaa waana kugu adkaynayaa su'aasha ee ii dul qaado? Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku yiri: waxaad rabto I waydii, wuxuu yiri: Rabigaa iyo Rabiga cidii kaa horaysay ayaan kugu dhaariyee, ma Ilaahay baa kuu soo diray dadka oo dhan? wuxuu yiri: Allahayow haa, wuxuu yiri: Ilaahay baan kugu dhaariyee ma Ilaahay baa ku faray inaan tukano shan salaadood habeenkii iyo Maalintii? wuxuu yiri: Allahayow haa, wuxuu yiri: Ilaahay baan kugu dhaariyee ma Ilaahay baa ku faray inaan bil ka soono sanadka? wuxuu yiri: Allahayow haa, wuxuu yiri Ilaahay baan kugu dhaariye ma Ilaahay baa ku faray inaan sakada ka qaadno intayada qaniga ah una qaybino intayada saboolka ah? wuxuu yiri: Allahayow haa, wuxuu yiri: waan rumeeyey waxaad la timid, ana rasuul baan u ahay kuwa iga dambeeya , aniguna waxaan ahay Damaam Binu Saclabah, Bani Sacad Bani Bakar walaalkood ah.