1. Bogga hore
  2. Noocyada
  3. Fiqiga iyo usuushiisa

Xaddiis Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee markuu Janaabo ka qabaysanayo wuxuu dhiqi jiray Gacmihiisa, wuxuuna u weyso qaadan jiray sida Salaada uu ugu weyso qaato, ka dibna wuu qubaysan jiray

عَنْ عَائِشَةَ أُمِّ المؤمنين رضي الله عنها قَالَتْ:
كَانَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ إِذَا اغْتَسَلَ مِنَ الجَنَابَةِ، غَسَلَ يَدَيْهِ، وَتَوَضَّأَ وُضُوءَهُ لِلصَّلاَةِ، ثُمَّ اغْتَسَلَ، ثُمَّ يُخَلِّلُ بِيَدِهِ شَعَرَهُ، حَتَّى إِذَا ظَنَّ أَنَّهُ قَدْ أَرْوَى بَشَرَتَهُ، أَفَاضَ عَلَيْهِ المَاءَ ثَلاَثَ مَرَّاتٍ، ثُمَّ غَسَلَ سَائِرَ جَسَدِهِ، وَقَالَتْ: كُنْتُ أَغْتَسِلُ أَنَا وَرَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ مِنْ إِنَاءٍ وَاحِدٍ، نَغْرِفُ مِنْهُ جَمِيعًا.

Caa'isha, Mu'uminiinta Hooyadood -Allaha ka raali ahaadee-waxaa laga wariyey inay tiri:
Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee markuu Janaabo ka qabaysanayo wuxuu dhiqi jiray Gacmihiisa, wuxuuna u weyso qaadan jiray sida Salaada uu ugu weyso qaato, ka dibna wuu qubaysan jiray, isagoo Faraha dhex galinayaTtimihiisa ilaa uu Jirkiisa Biyaha wada gaarsiiyo, seddex jeer ayuu Biyaha isku shubi jiray, ka dibna jirkiisa kale oo dhan ayuu dhaqi jiray, waxay tiri- Caa'isha-: aniga iyo Rasuulka weel kaliya ayaan ku wada qubaysan jirnay, oo aan labadayadu kawada darsan jirnay Biyaha.

Xadiis Saxiix ah Waxa wariyay Albukhaari Saxiix AlBukhaari - 272

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee markuu rabo inuu Janaabo ka qabaysto, wuuu ku bilaabi jiray inuu Gacmaha dhaqo. Ka dibna wuu weyso qaadanayey sida weysada Salaada, ka dibna Biyaha ayuu Jirkiisa gaarsiin jiray, ka dibna Gacmaha ayuuTtimaha Madaxa dhex galin jiray, ilaa uu is dhoho Biyuhu waa gaareen Timaha salkooga, Jirkuna uu ka dhergay Biyaha, seddex jeerbuu Madaxiisa Biyaha ku shubaayey, ka dibna Jirkiisa kale ayuu dhaqi jiray. Caa'isha -Allaha ka raali ahaadee- waxay tiri: Aniga iyo Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaa weel kaliya ku wada qubaysan jirney, oo Biyaha ka wada darsanaynay.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Qubaysigu waa labo nuuc: mid uu ku ansaxaya qubaysku iyo mid kaamil ah, kan uu ku ansaxaayo waa in Qofku niyeysto dahaaro ka dibna uu jirkiisa wada gaarsiiyo Biyaha isagoo luqluqanaaya oo san daarsanaya, Qubayska kaamilka ahna waa inuu u qubaysto sida Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee u qubaystay ee ku soo aroortay Xadiiskaan.
  2. Waxaa la dhahaa Janaabo Qof kastoo Biyaha Shahwadu ka yimaadaan, ama galmo sameeya walow yaanu Biyaba ka imaane.
  3. Way banaan tahay inay ninka iyo Xaaskiisu Cawradooda is eegaan, kuna wada qubaystaan weel kaliya.

Bandhigga tarjumada.

59 Tarjumada
EN English Engriisi
UR اردو Urduu
ES Español Isbaanish
ID Indonesia Indunuusi
UG ئۇيغۇرچە Luqadda iigoorka
BN বাংলা Luqadda Bengaaliga
FR Français Faransiis
TR Türkçe Luqadda Turkiga.
RU Русский Ruush
BS Bosanski Boosni
SI සිංහල Luqadda Sanhaaliga
HI हिन्दी Luqadda Hindida
ZH 中文 Luqadda Shiinaha
FA فارسی Luqadda Faarisiga
VI Tiếng Việt Luqadda fiitnaam
TL Tagalog Luqadda Tajaluga
KU Kurdî Kurdiga
HA Hausa Hawsaha
PT Português Boortaqiis
ML മലയാളം Malayaalim
TE తెలుగు Telgoo
SW Kiswahili Sawaaxili
TA தமிழ் Taymaali
MY မြန်မာ Boorma
TH ไทย Taylaand
DE Deutsch Jarmal
PS پښتو Luqadda bushtuuga
AS অসমীয়া Asaami
SQ Shqip Albaani
SV Svenska Luqadda iswiidhen
AM አማርኛ Luqadda Amxaariga
NL Nederlands Luqadda hoolandiga
GU ગુજરાતી Luqadda gujaraatka
KY Кыргызча Luqadda qer-qeesiya
NE नेपाली Luqadda nebool
YO Yorùbá Yorba
LT Lietuvių Luqadda Liitawaaniga
PRS دری Luqadda dariya
SR Српски Luqadda serbiga
TG тоҷикӣ Luqadda daajiika
RW Kinyarwanda Ruwanda
RO Română Luqadda roomaaniya
HU Magyar Luqadda hangeriga
CS Čeština Luqadda jeegga
MOS Moore الموري
MG Malagasy Malgaashi
OM Oromoo Oromo
KN ಕನ್ನಡ Luqadda kinaadiga
WO Wolof الولوف
AZ Azərbaycan Adrabijaan
UZ O‘zbek Luqadda usbiika
UK Українська Luqadda yukreyn
KA ქართული الجورجية
MK Македонски المقدونية
KM ភាសាខ្មែរ الخميرية
BM Bambara البامبارية
PA ਪੰਜਾਬੀ البنجابية
MR मराठी الماراثية
KMR Kurmancî الكرمنجية