1. Bogga hore
  2. Noocyada
  3. Fiqiga iyo usuushiisa

Xaddiis Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu nabaray khudbatul-xaajada,

عن عبد الله بن مسعود رضي الله عنه قال:
عَلَّمَنَا رَسُوْلُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ خُطْبَةَ الحَاجَةِ: إِنَّ الحَمْدَ للهِ، نَسْتَعِيْنُهُ وَنَسْتَغْفِرُهُ، وَنَعُوْذُ بِهِ مِنْ شُرُوْرِ أَنْفُسِنَا، مَنْ يَهْدِ اللهُ فَلَا مُضِلَّ لَهُ، وَمَنْ يُضْلِلْ فَلَا هَادِيَ لَهُ، وَأَشْهَدُ أَنْ لَا إِلَهَ إِلَّا الله، وَأَشْهَدُ أَنَّ مُحَمَّدًا عَبْدُهُ وَرَسُوْلُهُ، {يَا أَيُّهَا النَّاسُ اتَّقُوا رَبَّكُمُ الَّذِي خَلَقَكُمْ مِنْ نَفْسٍ وَاحِدَةٍ وَخَلَقَ مِنْهَا زَوْجَهَا وَبَثَّ مِنْهُمَا رِجَالًا كَثِيرًا وَنِسَاءً وَاتَّقُوا اللَّهَ الَّذِي تَسَاءَلُونَ بِهِ والأرحام إن الله كان عليكم رقيبا} [النساء: 1]، {يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا اتَّقُوا اللَّهَ حَقَّ تُقَاتِهِ وَلَا تَمُوتُنَّ إِلَّا وَأَنْتُمْ مُسْلِمُونَ} [آل عمران: 102]، {يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا اتَّقُوا اللَّهَ وَقُولُوا قَوْلًا سَدِيدًا (70) يُصْلِحْ لَكُمْ أَعْمَالَكُمْ وَيَغْفِرْ لَكُمْ ذُنُوبَكُمْ وَمَنْ يُطِعِ اللَّهَ وَرَسُولَهُ فَقَدْ فَازَ فَوْزًا عَظِيمًا} [الأحزاب:70 - 71].

Cabdullaahi Binu Mascuud Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri:
Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu nabaray khudbatul-xaajada,: mahad Ilaahay ayaa iskaleh, Isagaanan kaalmaysanaynaa oo dambi dhaaf waydiisanaynaa, Isagaanan ka magan gelaynaa sharka naftayada, Qofkuu Ilaahay hanuuniyo cid baadiyeyn kartaa ma jirto, Qofkuu Ilaahay baadiyeeyona cid hanuunin kartaa ma jirto, waxaan qirayaa in uusan jirin mid xaq lagu caabudo Ilaahay mooyee, Maxamedna Adoonkiisa iyo Rasuulka uu soo diray yahay, {dadoow Rabigiinii naf kaliya idinka abuuray ka baqa, ee lamaanaheedana isla naftaa ka abuuray, ee ka abuuray labadaa nafood raga iyo dumar badan, ka baqa Allaha isaga dartii aad wax isku waydiisataan iyo qaraabada Ilaahay wuxuu ahaaday mid idin arka oo og waxaad laabihiina ku qarinaysaan} [Annisaa:1], {kuwa 'Ilaahay iyo Rasuulkiisa rumeeyow Ilaahay uga cabsada sida ugu wanaagsan ee xaqa uu u leeyahay in looga cabsado, hana soo dhimanina inaad Muslimiin tihiin mooye} [Aala cimran:102], {kuwa Ilaahay iyo Rasuulkiisa rumeeyow Ilaahay ka cabsada oo hadal toosana dhaha (70) wuu idiin hagaajin camalkiina dambigiinana idiin dhaafi Qofka Ilaahay iyo Rasuulkiisa addeeca ee u hogaansanaada dhab ahaan guul wayn buu ku guulaystay} [ Al axsaab:70-71].

Xadiis Saxiix ah رواه أبو داود والترمذي والنسائي وابن ماجه وأحمد Sunan Abii Daa'uud - 2118

Sharraxaad

Cabdullaahi Binu Mascuud-Allaha ka raali ahaade wuxuu sheegay in Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee baray khudbatul-xaajada, waana khudbada lagu furo hadalka khudbadaha, iyo ka hor khudbad walba oo ay dan leeyihiin, iyo khud badaha kalaba sida nikaaxa, khudbada jumcada, iyo kuwa kaleba. khudbadani waxay koobaysaa umuuro waawayn, oo ay ka mid tahay in Ilaahay xaq u leeyahay noocyada xamdiga oo dhan, iyo gargaarka oo Isaga keligii la waydiisto loona shariig yeelin, iyo Isagoo la waydiisto asturka dambiyada iyo dhaafi taankoodaba, iyo Isagoo sharka laga hoos galo, sharka nafta iyo shar oo dhan.
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ka dib wuxuu sheegay inuu hanuunku Ilaahay Gacantiisa ku jiro , qofkuu hanuuniyana cid lumin kartaa aanay jirin, midka uu lumiyana cid hanuun siin kartaa aanu helayn.
Ka dib wuxuu sheegay ashahaadada tawxiidka oo ah inaanu jirin mid xaq lagu caabudo oo aan Allaha ahayn, iyo qiritaanka Nabinimada Nabi Maxamed iyo inuu yahay Adoonka Ilaahay iyo Rasuulkiisa.
wuxuuna ku khatimay khudba aayadahan seddexda ah, kuwaasoo ka kooban Ilaah ka cabsi, iyo fulinta amarada Ilaahay, iyo kafogaanshaha wuxuu reebay, iyadoo Ilaahay wajigiisa lagu doonayo, cida wanaagaa samaysana waxaa abaal marin looga dhigayaa camalkiisa, hadalkiisa, oo wanaagsanaada, iyo dambigiisa oo loo dhaafo, nolol wanaagsan oo Aduunka ah iyo inuu helo liibaan weyn oo jano ah Maalinta Qiyaamaha.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waxaa la suneeyey in lagu furo khudbadaha Guurka, Jumcada, iyo wixii kalee la midka ahba khudbadan.
  2. Waxaa haboon inay khudbadu ka kooban tahay mahadinta Ilaahay iyo shahaadateynka, iyo aayado Qur'aan ah.
  3. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu bari jiray Asaxaabtiisa waxay u baahan yihiin ee xaga Diintooda ah.

Bandhigga tarjumada.

63 Tarjumada
EN English Engriisi
UR اردو Urduu
ES Español Isbaanish
ID Indonesia Indunuusi
UG ئۇيغۇرچە Luqadda iigoorka
BN বাংলা Luqadda Bengaaliga
FR Français Faransiis
TR Türkçe Luqadda Turkiga.
RU Русский Ruush
BS Bosanski Boosni
SI සිංහල Luqadda Sanhaaliga
HI हिन्दी Luqadda Hindida
ZH 中文 Luqadda Shiinaha
FA فارسی Luqadda Faarisiga
VI Tiếng Việt Luqadda fiitnaam
TL Tagalog Luqadda Tajaluga
KU Kurdî Kurdiga
HA Hausa Hawsaha
PT Português Boortaqiis
ML മലയാളം Malayaalim
TE తెలుగు Telgoo
SW Kiswahili Sawaaxili
TA தமிழ் Taymaali
MY မြန်မာ Boorma
TH ไทย Taylaand
DE Deutsch Jarmal
JA 日本語 Japan
PS پښتو Luqadda bushtuuga
AS অসমীয়া Asaami
SQ Shqip Albaani
SV Svenska Luqadda iswiidhen
AM አማርኛ Luqadda Amxaariga
NL Nederlands Luqadda hoolandiga
GU ગુજરાતી Luqadda gujaraatka
KY Кыргызча Luqadda qer-qeesiya
NE नेपाली Luqadda nebool
YO Yorùbá Yorba
LT Lietuvių Luqadda Liitawaaniga
PRS دری Luqadda dariya
SR Српски Luqadda serbiga
TG тоҷикӣ Luqadda daajiika
RW Kinyarwanda Ruwanda
RO Română Luqadda roomaaniya
HU Magyar Luqadda hangeriga
CS Čeština Luqadda jeegga
MOS Moore الموري
MG Malagasy Malgaashi
FF Fulfulde Luqadda foolaaniga
IT Italiano Talyaani
OM Oromoo Oromo
KN ಕನ್ನಡ Luqadda kinaadiga
WO Wolof الولوف
BG Български البلغارية
AZ Azərbaycan Adrabijaan
UZ O‘zbek Luqadda usbiika
UK Українська Luqadda yukreyn
KA ქართული الجورجية
MK Македонски المقدونية
KM ភាសាខ្មែរ الخميرية
BM Bambara البامبارية
PA ਪੰਜਾਬੀ البنجابية
MR मराठी الماراثية
KMR Kurmancî الكرمنجية