1. Bogga hore
  2. Noocyada
  3. Fiqiga iyo usuushiisa

Xaddiis Maandooriye kasta waa khamri, Maandooriye kastana waa xaraan, midkii isagu caba khamri dunida dusheeda oo dhinta isago joogteystey oo aan ka tooba keenin, ku cabi maayo aakhiro

عن ابن عمر رضي الله عنهما قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم:
«كل مُسْكِرٍ خَمْرٌ، وكل مُسْكِرٍ حرام، ومن شرِب الخمر في الدنيا فمات وهو يُدْمِنُهَا لَمْ يَتُبْ، لَمْ يَشْرَبْهَا في الآخرة».

Ibnu Cumar Allaha ka raali ahaado isaga iyo Aabihiye waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri:
"Maandooriye kasta waa khamri, Maandooriye kastana waa xaraan, midkii isagu caba khamri dunida dusheeda oo dhinta isago joogteystey oo aan ka tooba keenin, ku cabi maayo aakhiro.

Xadiis Saxiix ah رواه مسلم وأخرج البخاري الجملة الأخيرة منه Saxiix Muslim - 2003

Sharraxaad

Waxuu caddeeyey nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wax kasta oo caqliga Aadamaha ka kexeeya inuu yahay khamri maskaxda dooniya ha ahaado cabitaan ama wax la cuno, ama sanka halaga neef jeedo e ama si'aan sidaa aheyn halo isticmaale, wax kasta oo maanka dooriya oo caqliga ka kexeeya ogaalka dhabta ah xaqiiqdi Ilaahay kor ahaaye wuu reebey oo waa xaraan, yaraantiisa iyo badnaantiisa. Qofkasta oo wax ka caba noocyada maan dooriyaha, oo joogteeya cabidiisa, ee aan ka towbo keenin ilaa uu ka dhinto wuxuu mutaysanayaa ciqaabta Ilaahay, waana laga xarimayaa inuu Janada ku cabo.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Cillada ama sababta loo xarimay khamriga waa sakhraanimada, nooc walba oo uu yahay maan dooriyuhu waa xaaraan.
  2. Ilaahay sareeye wuxuu u xarimay khamriga, waxa ka ladhanaaya ee dhibaato iyo fasahaad wayn ah.
  3. Khamriga Janada lagu cabaayo waa macaanka nicmada Ilaahay oo taam ah.
  4. Qofka aan Naftiisa Aduunka iska ilaalin cabida khamriga Ilaahay wuu ka xarimayaa inuu Janada ku cabo, abaal gudkuna wuxuu noqdaa kolba camalka la falay noociisa.
  5. waxaa la isku boorinayaa in loo deg-dego ka towbo keenka dambiyada geerida ka hor.

Bandhigga tarjumada.

61 Tarjumada
EN English Engriisi
UR اردو Urduu
ES Español Isbaanish
ID Indonesia Indunuusi
UG ئۇيغۇرچە Luqadda iigoorka
BN বাংলা Luqadda Bengaaliga
TR Türkçe Luqadda Turkiga.
RU Русский Ruush
BS Bosanski Boosni
SI සිංහල Luqadda Sanhaaliga
HI हिन्दी Luqadda Hindida
ZH 中文 Luqadda Shiinaha
FA فارسی Luqadda Faarisiga
VI Tiếng Việt Luqadda fiitnaam
TL Tagalog Luqadda Tajaluga
KU Kurdî Kurdiga
HA Hausa Hawsaha
PT Português Boortaqiis
ML മലയാളം Malayaalim
TE తెలుగు Telgoo
SW Kiswahili Sawaaxili
TA தமிழ் Taymaali
TH ไทย Taylaand
DE Deutsch Jarmal
JA 日本語 Japan
PS پښتو Luqadda bushtuuga
AS অসমীয়া Asaami
SQ Shqip Albaani
SV Svenska Luqadda iswiidhen
AM አማርኛ Luqadda Amxaariga
NL Nederlands Luqadda hoolandiga
GU ગુજરાતી Luqadda gujaraatka
KY Кыргызча Luqadda qer-qeesiya
NE नेपाली Luqadda nebool
YO Yorùbá Yorba
LT Lietuvių Luqadda Liitawaaniga
PRS دری Luqadda dariya
SR Српски Luqadda serbiga
TG тоҷикӣ Luqadda daajiika
RW Kinyarwanda Ruwanda
RO Română Luqadda roomaaniya
HU Magyar Luqadda hangeriga
CS Čeština Luqadda jeegga
MOS Moore الموري
MG Malagasy Malgaashi
OM Oromoo Oromo
KN ಕನ್ನಡ Luqadda kinaadiga
WO Wolof الولوف
AZ Azərbaycan Adrabijaan
UZ O‘zbek Luqadda usbiika
UK Українська Luqadda yukreyn
KA ქართული الجورجية
MK Македонски المقدونية
KM ភាសាខ្មែរ الخميرية
BM Bambara البامبارية
PA ਪੰਜਾਬੀ البنجابية
MR मराठी الماراثية
DA Dansk الدنماركية
RN Kirundi الكيروندي
KMR Kurmancî الكرمنجية
MS Bahasa Melayu الملايو