1. Bogga hore
  2. Noocyada
  3. Caqiidada

Xaddiis qiyaamuhu dhicimaayo ilaa Qoraxdu ka soo baxdo xaga ay u dhacdo, haday ka soo baxdana oo dadku arko way rumaynayaan dhamaantood

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ: أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ:
«لاَ تَقُومُ السَّاعَةُ حَتَّى تَطْلُعَ الشَّمْسُ مِنْ مَغْرِبِهَا، فَإِذَا طَلَعَتْ فَرَآهَا النَّاسُ آمَنُوا أَجْمَعُونَ، فَذَلِكَ حِينَ: {لاَ يَنْفَعُ نَفْسًا إِيمَانُهَا لَمْ تَكُنْ آمَنَتْ مِنْ قَبْلُ، أَوْ كَسَبَتْ فِي إِيمَانِهَا خَيْرًا} [الأنعام: 158] وَلَتَقُومَنَّ السَّاعَةُ وَقَدْ نَشَرَ الرَّجُلاَنِ ثَوْبَهُمَا بَيْنَهُمَا فَلاَ يَتَبَايَعَانِهِ، وَلاَ يَطْوِيَانِهِ، وَلَتَقُومَنَّ السَّاعَةُ وَقَدِ انْصَرَفَ الرَّجُلُ بِلَبَنِ لِقْحَتِهِ فَلاَ يَطْعَمُهُ، وَلَتَقُومَنَّ السَّاعَةُ وَهُوَ يَلِيطُ حَوْضَهُ فَلاَ يَسْقِي فِيهِ، وَلَتَقُومَنَّ السَّاعَةُ وَقَدْ رَفَعَ أَحَدُكُمْ أُكْلَتَهُ إِلَى فِيهِ فَلاَ يَطْعَمُهَا».

Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri:
qiyaamuhu dhicimaayo ilaa Qoraxdu ka soo baxdo xaga ay u dhacdo, haday ka soo baxdana oo dadku arko way rumaynayaan dhamaantood: (waqtigaasina waa waqtiga qofka aan horay u rumayn Ilaahay ama aan iimaankiisii horay xasanaad ugu kasban uusan waxba u tarayn) [Alancaam:158], qiyaamuhu wuu dhicin iyadoo labo nin dhexdooda ku kala bixiyeen maradooda mana kala gadan karana mana isku laabi karaan, qiyaamuhu wuu dhicin iyado ninku soo qaatay caanaha hashiisa mana cabaayo, qiyaamuhu wuu dhicin iyadoo ninku hagaajinayo darkiisa mana laga cabaayo, qiyaamuhu wuu dhicin iyado qofkiin luqmada afkiisa u qaatay mana cunaayo.

Xadiis Saxiix ah Xadiis la isku waafaqay Saxiix AlBukhaari - 6506

Sharraxaad

Rasuulka Ilaahay naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu sheegay inay calaamadaha waaweyn ee qiyaamaha ay ka mid tahay in qoraxdu ka soo baxdo meeshay u dhacdo halkii ay bari ka soo bixilahayd, markay dadku arkaana Ilaahay wada rumaynayaan. Markaasna gaalka wax ku tarimaayo iimaankiisu, camalka suubana wax ku tarimaayo, towbaduna wax ku tarimayso. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay qiyaamuhu inuu ku dhacaayo si kadis ah, iyadoo dadku noloshoodii iyo hawlohoodii caadiga ahaa ku jiraan. Qiyaamihii ayaa dhacaya iyadoo kii gadaayey iyo kii iibsanaayey ay marada kala bixiyeen iibsanamaayaan iskuna laabimaayaan. Qiyaamihii ayaa dhacaya iyado ninku uu soo qaatay caanihii uu hashiisa ka lisay mana dhamaayo. Qiyaamihii ayaa dhacaya iyadoo ninku darka xoolihiisa u hagaajinaayo mana ka waraabinaayo. Qiyaamihii ayaa dhacaya iyadoo ninku luqmad cunto ah afkiisa u soo qaaday si uu u cuno, mana cunaayo.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Islaamnimada iyo towbada waa la aqbalaa inta aanay qoraxdu ka soo bixin meeshay u dhacdo.
  2. waxaa la isku booriyey in Qiyaamaha loogu diyaar garoobayo iimaan iyo camal suuban, waayo Qiyaamuhu wuxuu ku imanayaa si kidis ah.

Bandhigga tarjumada.

68 Tarjumada
EN English Engriisi
UR اردو Urduu
ES Español Isbaanish
ID Indonesia Indunuusi
UG ئۇيغۇرچە Luqadda iigoorka
BN বাংলা Luqadda Bengaaliga
FR Français Faransiis
TR Türkçe Luqadda Turkiga.
RU Русский Ruush
BS Bosanski Boosni
SI සිංහල Luqadda Sanhaaliga
HI हिन्दी Luqadda Hindida
ZH 中文 Luqadda Shiinaha
FA فارسی Luqadda Faarisiga
VI Tiếng Việt Luqadda fiitnaam
TL Tagalog Luqadda Tajaluga
KU Kurdî Kurdiga
HA Hausa Hawsaha
PT Português Boortaqiis
ML മലയാളം Malayaalim
TE తెలుగు Telgoo
SW Kiswahili Sawaaxili
TA தமிழ் Taymaali
MY မြန်မာ Boorma
TH ไทย Taylaand
DE Deutsch Jarmal
JA 日本語 Japan
PS پښتو Luqadda bushtuuga
AS অসমীয়া Asaami
SQ Shqip Albaani
SV Svenska Luqadda iswiidhen
AM አማርኛ Luqadda Amxaariga
NL Nederlands Luqadda hoolandiga
GU ગુજરાતી Luqadda gujaraatka
KY Кыргызча Luqadda qer-qeesiya
NE नेपाली Luqadda nebool
YO Yorùbá Yorba
LT Lietuvių Luqadda Liitawaaniga
PRS دری Luqadda dariya
SR Српски Luqadda serbiga
TG тоҷикӣ Luqadda daajiika
RW Kinyarwanda Ruwanda
RO Română Luqadda roomaaniya
HU Magyar Luqadda hangeriga
CS Čeština Luqadda jeegga
MOS Moore الموري
MG Malagasy Malgaashi
FF Fulfulde Luqadda foolaaniga
IT Italiano Talyaani
OM Oromoo Oromo
KN ಕನ್ನಡ Luqadda kinaadiga
WO Wolof الولوف
BG Български البلغارية
AZ Azərbaycan Adrabijaan
EL Ελληνικά اليونانية
UZ O‘zbek Luqadda usbiika
UK Українська Luqadda yukreyn
KA ქართული الجورجية
LN Lingala اللينجالا
MK Македонски المقدونية
KM ភាសាខ្មែរ الخميرية
BM Bambara البامبارية
PA ਪੰਜਾਬੀ البنجابية
MR मराठी الماراثية
DA Dansk الدنماركية
RN Kirundi الكيروندي
KMR Kurmancî الكرمنجية
MS Bahasa Melayu الملايو