1. Bogga hore
  2. Noocyada
  3. Caqiidada

Xaddiis kuwaasi waa duul markuu ka dhinto Qof wanaagsani qabrigiisa ka dul dhista Masaajid

عَنْ عَائِشَةَ أُمِّ المؤمنين رضي الله عنها:
أَنَّ أُمَّ سَلَمَةَ ذَكَرَتْ لِرَسُولِ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ كَنِيسَةً رَأَتْهَا بِأَرْضِ الْحَبَشَةِ، يُقَالُ لَهَا مَارِيَةُ، فَذَكَرَتْ لَهُ مَا رَأَتْ فِيهَا مِنَ الصُّوَرِ، فَقَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «أُولَئِكَ قَوْمٌ إِذَا مَاتَ فِيهِمُ الْعَبْدُ الصَّالِحُ، أَوِ الرَّجُلُ الصَّالِحُ، بَنَوْا عَلَى قَبْرِهِ مَسْجِدًا، وَصَوَّرُوا فِيهِ تِلْكَ الصُّوَرَ، أُولَئِكَ شِرَارُ الْخَلْقِ عِنْدَ اللهِ».

Caa'isha oo ahayd Muuminiinta Hooyadood-Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey:
Umu Salama waxay u sheegtay Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- Kaniisad ay ku aragtay dhulka Xabashida, taasoo la dhoho: Maariya, waxayna u sheegtay Nabiga sawiro ay ku soo aragtay, wuxuu yiri Rasuulku -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-: " kuwaasi waa duul markuu ka dhinto Qof wanaagsani qabrigiisa ka dul dhista Masaajid. wayna ku sawiraan sawiradaas, kuwaasi waa kuwa ugu sharka badan Khalqiga Ilaahay

Xadiis Saxiix ah Xadiis la isku waafaqay Saxiix AlBukhaari - 434

Sharraxaad

Muuminiinta hooyadood ee umu Salama-Allaha ka raali ahaadee- waxay Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee u sheegtay inay ku aragtay dhulkii xabashida kaniisad-la dhoho : - Maariya-, oo ay ku jiraan sawiro iyo waxyaabo lagu qurxiyey! oo ay la yaabtay!. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey sababaha ay sawiradaa u samaysteen: Wuxuu yiri: kuwaa aad sheegaysid waxay ahaayeen, kuwo marka uu qof wanaagsani ka dhinto, qabrigiisa ka dul dhista masaajid ay ku tukadaan, sawiradaana way ku sawirayeen. Wuxuuna cadeeyey, Qofka waxaa sameeya inuu yahay kan ugu sharka badan khalqiga, waayo ficilkiisu wuxuu keenayaa, in Ilaahay loo shariig yeelo.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waa la xarimay in qabuuraha masaajid laga dul dhiso ama lagu tukado ama in masaajida maydka lagu aaso, iyadoo looga hortagayo inay dadku shirki ku dhacaan.
  2. In qubuuraha laga duldhiso masaajid oo sawiro la dhigo, waa camalka ay qabtaan yuhuuda iyo nasaaradu, qofka waxaa soo kale sameeyana iyaguu u ekaanayaa.
  3. Waa la xarimay in la sawiro wixii ruuxi ku jirto.
  4. Qofka ka duldhisa qabri Masaajid ee sawiro ku dul sawira, waa kan ugu sharka badan khalqiga Ilaahay Isagaa sareeyee.
  5. Shareecadu waxay ilaalisay towxiidka ilaalin buuxda, waxayna xirtay dhamaan meelaha ay ka imaan karaan wixii Shirki keeni kara.
  6. Waxaa la reebay in lagu xad gudbo jacaylka dadka saalixiinta ah, waayo arinkaasi wuxuu keenayaa in shirki lagu dhoco.

Bandhigga tarjumada.

60 Tarjumada
EN English Engriisi
UR اردو Urduu
ES Español Isbaanish
ID Indonesia Indunuusi
UG ئۇيغۇرچە Luqadda iigoorka
BN বাংলা Luqadda Bengaaliga
FR Français Faransiis
TR Türkçe Luqadda Turkiga.
RU Русский Ruush
BS Bosanski Boosni
SI සිංහල Luqadda Sanhaaliga
HI हिन्दी Luqadda Hindida
ZH 中文 Luqadda Shiinaha
FA فارسی Luqadda Faarisiga
VI Tiếng Việt Luqadda fiitnaam
TL Tagalog Luqadda Tajaluga
KU Kurdî Kurdiga
HA Hausa Hawsaha
PT Português Boortaqiis
ML മലയാളം Malayaalim
TE తెలుగు Telgoo
SW Kiswahili Sawaaxili
TA தமிழ் Taymaali
MY မြန်မာ Boorma
TH ไทย Taylaand
DE Deutsch Jarmal
JA 日本語 Japan
PS پښتو Luqadda bushtuuga
AS অসমীয়া Asaami
SQ Shqip Albaani
SV Svenska Luqadda iswiidhen
AM አማርኛ Luqadda Amxaariga
NL Nederlands Luqadda hoolandiga
GU ગુજરાતી Luqadda gujaraatka
KY Кыргызча Luqadda qer-qeesiya
NE नेपाली Luqadda nebool
YO Yorùbá Yorba
LT Lietuvių Luqadda Liitawaaniga
PRS دری Luqadda dariya
SR Српски Luqadda serbiga
TG тоҷикӣ Luqadda daajiika
RW Kinyarwanda Ruwanda
RO Română Luqadda roomaaniya
HU Magyar Luqadda hangeriga
CS Čeština Luqadda jeegga
MOS Moore الموري
MG Malagasy Malgaashi
OM Oromoo Oromo
KN ಕನ್ನಡ Luqadda kinaadiga
WO Wolof الولوف
AZ Azərbaycan Adrabijaan
UZ O‘zbek Luqadda usbiika
UK Українська Luqadda yukreyn
KA ქართული الجورجية
MK Македонски المقدونية
KM ភាសាខ្មែរ الخميرية
BM Bambara البامبارية
PA ਪੰਜਾਬੀ البنجابية
MR मराठी الماراثية
KMR Kurmancî الكرمنجية