1. Bogga hore
  2. Noocyada
  3. Fiqiga iyo usuushiisa

Xaddiis Aduunyadu waa macaan cagaaran, Ilaahayna idinkuu idiin dhiibay, wuxuuna fiirin waxaad ku samaysaan, Aduunyada iska jira Dumarkana iska jira

عَنْ أَبِي سَعِيدٍ الْخُدْرِيِّ رضي الله عنه عَنِ النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ:
«إِنَّ الدُّنْيَا حُلْوَةٌ خَضِرَةٌ، وَإِنَّ اللهَ مُسْتَخْلِفُكُمْ فِيهَا، فَيَنْظُرُ كَيْفَ تَعْمَلُونَ، فَاتَّقُوا الدُّنْيَا وَاتَّقُوا النِّسَاءَ، فَإِنَّ أَوَّلَ فِتْنَةِ بَنِي إِسْرَائِيلَ كَانَتْ فِي النِّسَاءِ».

Abii Saciid al Khudri Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri:
"Aduunyadu waa macaan cagaaran, Ilaahayna idinkuu idiin dhiibay, wuxuuna fiirin waxaad ku samaysaan, Aduunyada iska jira Dumarkana iska jira, fitnadii reer Bani Israa'iil lagu fitneeyey ee ugu horaysay Dumarkay ahayd".

Xadiis Saxiix ah Waxa wariyay Muslim Saxiix Muslim - 2742

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey inay Aduunyadu dhadhan macaan tahay, aragana cagaar u tahay, dadkuna way ku kadsoomayaan, oo isku sii daynayaan macaankeeda, hamigiisa ugu wayna iyaduu ka dhigayaa. Ilaahayna isagaa nusqaan ka hufane wuxuu inaga yeelay in qaarkeenba qaarka kale uga danbeeyo Aduunyada, si uu Ilaahay u eego waxa aynu samaynayno, inaan isaga adeecayno iyo inaan ku caasiyeyno. Ka dib wuxuu yiri: ka digtoonaada inaad ku sirtoontaan raaxada Aduunyada iyo quruxdeeda, oo ay idin gaarsiiso inaad ka tagtaan wuxuu Ilaahay idin faray, oo aad ku dhacdaan wuxuu idinka reebay. Fitnada Aduunyada ugu weyn ee ay waajibka tahay in laga digtoonaadaa waa fitnada Dumarka, iyadayna ahayd fitnadii ugu horaysey ee reer Bani Israa'iil ay ku dhacaan.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waxaa la isku boorinayaa in la joogteeyo Taqwada, oo aan lagu mashquulin muuqaalada Aduunyada iyo quruxdeeda.
  2. Waxaa laga digayaa in lagu fitnoobo Dumarka, sida eegistooda iyo in Ragga ajaanibta ka ahi ku dhex jiraan, iyo wixii la mida.
  3. Fitnada Dumarku waa fitnooyinka ugu waaweyn Aduunyada.
  4. Waa in la waansamo oo lagu cibroqaato Ummaddihii hore, waayo wixii reer Banii Israa'iil ku dhacay qayrkoodna wuu ku dhici karaa.
  5. fitnada Dumarku markay xaaska tahay waxay ku kalifi kartaa ninka masruuf aanu awoodin, waxayna ka mashquulin barashada cilmiga, waxayna ku kalifaysaa inuu isku dhabar jabiyo raadinta Aduunyada, haday ajnabi ka tahayna fitnadeedu waa inay damac galiso oo xaqa ka leexiso, markay soo baxaan oo ay Ragga dhex galaan, gaar ahaan hadii aysan asturnayn ee cawradoodu muuqdato, taasina waxay keenaysaa in lagu dhaco Sinada darajooyinkeeda, Muminka waxaa ku haboon inuu Ilaahay magan galo oo jeclaado si uu uga nabad galo finada Dumarka.

Bandhigga tarjumada.

58 Tarjumada
EN English Engriisi
UR اردو Urduu
ES Español Isbaanish
ID Indonesia Indunuusi
UG ئۇيغۇرچە Luqadda iigoorka
BN বাংলা Luqadda Bengaaliga
TR Türkçe Luqadda Turkiga.
RU Русский Ruush
BS Bosanski Boosni
SI සිංහල Luqadda Sanhaaliga
HI हिन्दी Luqadda Hindida
ZH 中文 Luqadda Shiinaha
FA فارسی Luqadda Faarisiga
VI Tiếng Việt Luqadda fiitnaam
TL Tagalog Luqadda Tajaluga
KU Kurdî Kurdiga
HA Hausa Hawsaha
PT Português Boortaqiis
ML മലയാളം Malayaalim
TE తెలుగు Telgoo
SW Kiswahili Sawaaxili
TA தமிழ் Taymaali
MY မြန်မာ Boorma
TH ไทย Taylaand
DE Deutsch Jarmal
PS پښتو Luqadda bushtuuga
AS অসমীয়া Asaami
SQ Shqip Albaani
SV Svenska Luqadda iswiidhen
AM አማርኛ Luqadda Amxaariga
NL Nederlands Luqadda hoolandiga
GU ગુજરાતી Luqadda gujaraatka
KY Кыргызча Luqadda qer-qeesiya
NE नेपाली Luqadda nebool
YO Yorùbá Yorba
LT Lietuvių Luqadda Liitawaaniga
PRS دری Luqadda dariya
SR Српски Luqadda serbiga
TG тоҷикӣ Luqadda daajiika
RW Kinyarwanda Ruwanda
RO Română Luqadda roomaaniya
HU Magyar Luqadda hangeriga
CS Čeština Luqadda jeegga
MOS Moore الموري
MG Malagasy Malgaashi
OM Oromoo Oromo
KN ಕನ್ನಡ Luqadda kinaadiga
WO Wolof الولوف
AZ Azərbaycan Adrabijaan
UZ O‘zbek Luqadda usbiika
UK Українська Luqadda yukreyn
KA ქართული الجورجية
MK Македонски المقدونية
KM ភាសាខ្មែរ الخميرية
BM Bambara البامبارية
PA ਪੰਜਾਬੀ البنجابية
MR मराठी الماراثية
KMR Kurmancî الكرمنجية