1. Bogga hore
  2. Noocyada
  3. Fadaa`isha iyo Aadaabta

Xaddiis Ma taqaanaan Xantu waxay tahay? ", waxay dheheen Asaxaabtii: Ilaahay iyo Rasuulkiisaa naga og, wuxuu yiri: " waa adigo Walaalkaa wuxuu dhibsanaayo ku sheega,

عن أبي هريرة رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال:
«أَتَدْرُونَ مَا الْغِيبَةُ؟»، قَالُوا: اللهُ وَرَسُولُهُ أَعْلَمُ، قَالَ: «ذِكْرُكَ أَخَاكَ بِمَا يَكْرَهُ»، قِيلَ: أَفَرَأَيْتَ إِنْ كَانَ فِي أَخِي مَا أَقُولُ؟ قَالَ: «إِنْ كَانَ فِيهِ مَا تَقُولُ فَقَدِ اغْتَبْتَهُ، وَإِنْ لَمْ يَكُنْ فِيهِ فَقَدْ بَهَتَّهُ».

Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri:
"Ma taqaanaan Xantu waxay tahay? ", waxay dheheen Asaxaabtii: Ilaahay iyo Rasuulkiisaa naga og, wuxuu yiri: " waa adigo Walaalkaa wuxuu dhibsanaayo ku sheega,", waxaa lagu yiri: ka waran haduu leeyahay walaalkay waxaan ku sheegay? wuxuu ku yiri: " "haduu leeyahay waxaad, ku sheegtay waad xamatay haduusan lahayn waxaad ku sheegtayna waad hafaryeysay.

Xadiis Saxiix ah Waxa wariyay Muslim Saxiix Muslim - 2589

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey xaqiiqada Xanta la xarimay oo ah: in lagu sheego Qofka Muslimka ee maqan wax uu dhibsaonayo, waxaasi ha ahaadaan Sifooyinkiisa Ilaahay ku abuurkay ama kuwo dhaqankiisa ah sida: Cawar, Khaa'in, Beenaale, iyo wixii la mida, ee ereyo Cay ah, xataa haduu leeyahay Sifadaa lagu sheegay.
Hadaanu lahayn waxaa lagu sheegayo taasi wayba ka sii dambi wayn tahay Xanta, oo waaba Beeabuur, dadka lugu been abuuranayo wax aanay ahayn.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee si fiican ayuu wax u baray, waayo masalada wuxuu u soo jeediyaa sida su`aal oo kale.
  2. Asaxaabtu aadaab fiican ayey Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee kula dhaqmeen markay yiraahdeen: Ilaahay iyo Rasuulkiisaa og.
  3. Qofkii la waydiiyo wax uusan aqoon wuxuu oronayaa: Ilaahay ayaa og.
  4. Shareecadu way dar yeeshay Bulshada iyada oo ilaalisay xuquuqda iyo Walaaltinimada u dhexaysa.
  5. Xantu waa xaaraan marka laga reebo xaalado qaarkood oo maslaxo ku jirto, waxaana ka mida: joojinta dulmiga, isaga oo dhibanuhu sheego in la dulmiyay, una sheego cida awooda u leh inay xaqiisa uga qaado, wuxuu dhahaya: hebel baa i dulmiyey, ama waxaas iyo waxaas buu igu sameeyey, waxa kaloo ka mida: talo siinta Qof guur kaala tashaday iyo shuraako ama la darsid iyo wixii la mida.

Bandhigga tarjumada.

68 Tarjumada
EN English Engriisi
UR اردو Urduu
ES Español Isbaanish
ID Indonesia Indunuusi
UG ئۇيغۇرچە Luqadda iigoorka
BN বাংলা Luqadda Bengaaliga
FR Français Faransiis
TR Türkçe Luqadda Turkiga.
RU Русский Ruush
BS Bosanski Boosni
SI සිංහල Luqadda Sanhaaliga
HI हिन्दी Luqadda Hindida
ZH 中文 Luqadda Shiinaha
FA فارسی Luqadda Faarisiga
VI Tiếng Việt Luqadda fiitnaam
TL Tagalog Luqadda Tajaluga
KU Kurdî Kurdiga
HA Hausa Hawsaha
PT Português Boortaqiis
ML മലയാളം Malayaalim
TE తెలుగు Telgoo
SW Kiswahili Sawaaxili
TA தமிழ் Taymaali
MY မြန်မာ Boorma
TH ไทย Taylaand
DE Deutsch Jarmal
JA 日本語 Japan
PS پښتو Luqadda bushtuuga
AS অসমীয়া Asaami
SQ Shqip Albaani
SV Svenska Luqadda iswiidhen
AM አማርኛ Luqadda Amxaariga
NL Nederlands Luqadda hoolandiga
GU ગુજરાતી Luqadda gujaraatka
KY Кыргызча Luqadda qer-qeesiya
NE नेपाली Luqadda nebool
YO Yorùbá Yorba
LT Lietuvių Luqadda Liitawaaniga
PRS دری Luqadda dariya
SR Српски Luqadda serbiga
TG тоҷикӣ Luqadda daajiika
RW Kinyarwanda Ruwanda
RO Română Luqadda roomaaniya
HU Magyar Luqadda hangeriga
CS Čeština Luqadda jeegga
MOS Moore الموري
MG Malagasy Malgaashi
FF Fulfulde Luqadda foolaaniga
IT Italiano Talyaani
OM Oromoo Oromo
KN ಕನ್ನಡ Luqadda kinaadiga
WO Wolof الولوف
BG Български البلغارية
AZ Azərbaycan Adrabijaan
EL Ελληνικά اليونانية
AK Akan الأكانية
UZ O‘zbek Luqadda usbiika
UK Українська Luqadda yukreyn
KA ქართული الجورجية
LN Lingala اللينجالا
MK Македонски المقدونية
KM ភាសាខ្មែរ الخميرية
BM Bambara البامبارية
PA ਪੰਜਾਬੀ البنجابية
MR मराठी الماراثية
RN Kirundi الكيروندي
YAO Yao الياو
KMR Kurmancî الكرمنجية