1. Bogga hore
  2. Noocyada
  3. Caqiidada

Xaddiis waxaad sheegaysid oo aad dadka ugu yeeraysid waa wax fiican, ee noo sheeg Dambiyadii aanu galay wax naga guda

عَنِ ‌ابْنِ عَبَّاسٍ رَضِيَ اللهُ عَنْهُمَا:
أَنَّ نَاسًا مِنْ أَهْلِ الشِّرْكِ، كَانُوا قَدْ قَتَلُوا وَأَكْثَرُوا، وَزَنَوْا وَأَكْثَرُوا، فَأَتَوْا مُحَمَّدًا صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ فَقَالُوا: إِنَّ الَّذِي تَقُولُ وَتَدْعُو إِلَيْهِ لَحَسَنٌ، لَوْ تُخْبِرُنَا أَنَّ لِمَا عَمِلْنَا كَفَّارَةً، فَنَزَلَ {وَالَّذِينَ لا يَدْعُونَ مَعَ اللهِ إِلَهًا آخَرَ وَلا يَقْتُلُونَ النَّفْسَ الَّتِي حَرَّمَ اللهُ إِلا بِالْحَقِّ وَلا يَزْنُونَ}[الفرقان: 68]، وَنَزَلَت: {قُلْ يَا عِبَادِيَ الَّذِينَ أَسْرَفُوا عَلَى أَنْفُسِهِمْ لا تَقْنَطُوا مِنْ رَحْمَةِ اللهِ} [الزمر: 53].

Ibnu Cabaas Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri:
Dad ka mida Mushrikiinta, ayaa dil badan gaystay, sinadana badsaday, waxayna u yimaadeen Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxayna ku dheheen: waxaad sheegaysid oo aad dadka ugu yeeraysid waa wax fiican, ee noo sheeg Dambiyadii aanu galay wax naga guda, markaasaa waxaa soo degay: {kuwa aan Ilaahay cid kale la baryin ee aan dilin Naf Ilaahay dilkeeda xarimay in xaq lagu dilo mooyee, ee aan Sinaysan} [suuratu-furqaan:68], waxaa kaloo soo dagay: "ku dheh Adoomadaya naftooda ku xad gudbayow, ha ka quusanina naxariista Ilaahay" [suuratu sumar:53].

Xadiis Saxiix ah Xadiis la isku waafaqay Saxiix AlBukhaari - 4810

Sharraxaad

Rag Mushrikiinta ka mid ah ayaa u yimid Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxayna gaysteen dilal badan iyo Sino, waxay ku dheheen Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: Diinta aad dadka ugu yeeraysaa iyo waxa laga baranaayo waa wax fiican, laakiin ka waran muxuu yahay xaalkayagu iyo wixii aanu soo falnay ee ah, Shirki iyo Dambiyo waawayn, ma leeyihiin wax kafaaro gud ah?.
Waxaa soo degay labada Aayadood, taasoo Ilaahay kaga aqbalay dadka towbadii iyagoo sameeyey Dambiyo badan oo waaweyn, hadayna sidaas dhici lahayna waxay ku sii jiri lahaayeen Gaalnimadooda iyo kibirkooda mana soo galeen Diintaan.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Xadiiska waxa ku sugan fadliga Islaamku leeyahay iyo waynidiisa iyo inuu tirtiraayo Danbiyadii ka horeeyey.
  2. Xadiiska waxaa ku sugan waasicnimada Raxmada Ilaahay siiyey Adoomadiisa iyo u dambi dhaafka iyo cafinta uu siiyey Adoomadiisa.
  3. Ilaahay wuxuu xarimay Shirkiga, wuxuu kaloo xarimay in naf xaqdaro lagu dilo, wuxuu kaloo xarimay Sinada, iyo goodi adag oo ku soo arooray qofkii danbiyaas gala.
  4. Towbada runta ah oo ay la jirto Ilaahay oo loo khaalis yeelo, iyo camalka saalixa ah waxaa lagu dhaafaa dhamaan dambiyada waaweyn ee Gaalnimadu ku jirto.
  5. Waa la xarimay quusashada iyo in laga rajo beelo naxariista Ilaahay Isagaa nusqaan oo dhan ka hufane.

Bandhigga tarjumada.

61 Tarjumada
EN English Engriisi
UR اردو Urduu
ES Español Isbaanish
ID Indonesia Indunuusi
UG ئۇيغۇرچە Luqadda iigoorka
BN বাংলা Luqadda Bengaaliga
FR Français Faransiis
TR Türkçe Luqadda Turkiga.
RU Русский Ruush
BS Bosanski Boosni
SI සිංහල Luqadda Sanhaaliga
HI हिन्दी Luqadda Hindida
ZH 中文 Luqadda Shiinaha
FA فارسی Luqadda Faarisiga
VI Tiếng Việt Luqadda fiitnaam
TL Tagalog Luqadda Tajaluga
KU Kurdî Kurdiga
HA Hausa Hawsaha
PT Português Boortaqiis
ML മലയാളം Malayaalim
TE తెలుగు Telgoo
SW Kiswahili Sawaaxili
TA தமிழ் Taymaali
MY မြန်မာ Boorma
TH ไทย Taylaand
DE Deutsch Jarmal
JA 日本語 Japan
PS پښتو Luqadda bushtuuga
AS অসমীয়া Asaami
SQ Shqip Albaani
SV Svenska Luqadda iswiidhen
AM አማርኛ Luqadda Amxaariga
NL Nederlands Luqadda hoolandiga
GU ગુજરાતી Luqadda gujaraatka
KY Кыргызча Luqadda qer-qeesiya
NE नेपाली Luqadda nebool
YO Yorùbá Yorba
LT Lietuvių Luqadda Liitawaaniga
PRS دری Luqadda dariya
SR Српски Luqadda serbiga
TG тоҷикӣ Luqadda daajiika
RW Kinyarwanda Ruwanda
RO Română Luqadda roomaaniya
HU Magyar Luqadda hangeriga
CS Čeština Luqadda jeegga
MOS Moore الموري
MG Malagasy Malgaashi
IT Italiano Talyaani
OM Oromoo Oromo
KN ಕನ್ನಡ Luqadda kinaadiga
WO Wolof الولوف
AZ Azərbaycan Adrabijaan
UZ O‘zbek Luqadda usbiika
UK Українська Luqadda yukreyn
KA ქართული الجورجية
MK Македонски المقدونية
KM ភាសាខ្មែរ الخميرية
BM Bambara البامبارية
PA ਪੰਜਾਬੀ البنجابية
MR मराठी الماراثية
KMR Kurmancî الكرمنجية