1. Bogga hore
  2. Noocyada
  3. Caqiidada

Xaddiis Hadhihina: hadii Ilaahay ogolaado Hebelna ogolaado, laakiin waxaad dhahdaan: hadii Ilaahay ogolaado ka dibna Hebel ogolaado

عَنْ حُذَيْفَةَ رضي الله عنه أَنَّ رَسُولَ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ:
«لَا تَقُولُوا: مَا شَاءَ اللهُ وَشَاءَ فُلَانٌ، وَلَكِنْ قُولُوا: مَا شَاءَ اللهُ ثُمَّ شَاءَ فُلَانٌ».

Xudeyfa -Allaha ka raali ahaadee-waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri:
"Hadhihina: hadii Ilaahay ogolaado Hebelna ogolaado, laakiin waxaad dhahdaan: hadii Ilaahay ogolaado ka dibna Hebel ogolaado."

Xadiis Saxiix ah, marka la isku daro dariiqyadiisa Waa wariyay Abuu Daa'uud, An-Nasaa'i oo Sunan Kubraa ah, iyo Axmed Sunan Alkubraa Nisaa'i - 10755

Sharraxaad

Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu reebay inuu qofka muslimka ahi dhoho: hadii Ilaahay ogolaado hebelna ogolaado." Ama hadii Ilaahay doono iyo Hebel, Waayo doonista Ilaahay iyo Iraadadiisu waa mid guud oo Isaga u gaara oo aan cidna la wadaagin. Adeegsiga xarafka waaw oo loo adeegsado isku xirka (iyo) wuxuu tusayaa oo loo fahmayaa in lala wadaagayo Ilaahay wuxuu xukumayo, iyo in cid lala simayo Ilaahay-isagaa nusqaan oo dhan ka hufane-. laakiin wuxuu oran: hadii Ilaahay ogolaado, ka dibna Hebel ogolaado, oo wuxuuna ka dhigayaa rabitaanka iyo doonista Adoonku inay ku xiran tahay doonitaanka Ilaahay isagoo oranaya: xarafka (suma), oo macnihiisu yahay (ka dib), wuxuuna ka leexanayaa oo iska ilaalinayaa xarafka (waaw), waayo xarafka (suma) wuxuu faa'iidaynayaa oo loo fahmayaa ka daba geyn, iyo ka danbayn.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waxaa ku sugan Xadiiska inuu xaaraan yahay hadalka: "wuxuu Ilaahay ogolaado ee adna aad ogolaatid", iyo Ereyada la midka ah kuwaasoo laga fahmayo in Ilaahay wax lagu lamaaninaayo, sida adeegsiga xarafka waaw, oo macnihiisu yahay (iyo), waayo hadalka noocaas ahi waa Shirkiga Ereyada iyo Hadalka.
  2. Xadiiska waxaa ku sugan inay banaan yahay hadalka: '' waxa Ilaahay ogolaado ka dibna aad ogolaato'', iyo Ereyada u eg ee Ilaahay lagu larayo Ereyga lagu dhawaaqi '' suma'', waayo Ereygani macnihii laga cararayey ma laha.
  3. Xadiiska waxaa ku sugan in Ilaahay loo sugayo Mashii`ada, Adoonkana loo sugay Mashii`ada, laakiin Mashii`ada Addoonku tan Ilaahay ayey raacsan tahay, oo ma yeelan karo Mashii`ad tan Ilaahay ka Madax banaan.
  4. Xadiiska waxaa ku sugan inay reeban tahay in khalqiga lala wadaajiyo Mashii`ada Ilaahay Erey ahaanba ha ahaatee.
  5. Qofka oronaya Ereyga haduu rumaysaysan yahay in Mashii`ada Adoonku la mid tahay Mashii`ada Ilaahay oo ay la siman tahay si guud ahaaneed, ama uu rumeeyo in Adoonku leeyahay Mashii`o gaara oo tan Ilaahay ka baxsan waa shirki weyn, hadiise uu rumeeyo in Mashii`ada Adoonku tan Ilaahay ka hoosayso waa shirki yar.

Bandhigga tarjumada.

58 Tarjumada
EN English Engriisi
UR اردو Urduu
ES Español Isbaanish
ID Indonesia Indunuusi
UG ئۇيغۇرچە Luqadda iigoorka
BN বাংলা Luqadda Bengaaliga
TR Türkçe Luqadda Turkiga.
RU Русский Ruush
BS Bosanski Boosni
SI සිංහල Luqadda Sanhaaliga
HI हिन्दी Luqadda Hindida
ZH 中文 Luqadda Shiinaha
FA فارسی Luqadda Faarisiga
VI Tiếng Việt Luqadda fiitnaam
TL Tagalog Luqadda Tajaluga
KU Kurdî Kurdiga
HA Hausa Hawsaha
PT Português Boortaqiis
ML മലയാളം Malayaalim
TE తెలుగు Telgoo
SW Kiswahili Sawaaxili
TA தமிழ் Taymaali
MY မြန်မာ Boorma
TH ไทย Taylaand
DE Deutsch Jarmal
PS پښتو Luqadda bushtuuga
AS অসমীয়া Asaami
SQ Shqip Albaani
SV Svenska Luqadda iswiidhen
AM አማርኛ Luqadda Amxaariga
NL Nederlands Luqadda hoolandiga
GU ગુજરાતી Luqadda gujaraatka
KY Кыргызча Luqadda qer-qeesiya
NE नेपाली Luqadda nebool
YO Yorùbá Yorba
LT Lietuvių Luqadda Liitawaaniga
PRS دری Luqadda dariya
SR Српски Luqadda serbiga
TG тоҷикӣ Luqadda daajiika
RW Kinyarwanda Ruwanda
RO Română Luqadda roomaaniya
HU Magyar Luqadda hangeriga
CS Čeština Luqadda jeegga
MOS Moore الموري
MG Malagasy Malgaashi
OM Oromoo Oromo
KN ಕನ್ನಡ Luqadda kinaadiga
WO Wolof الولوف
AZ Azərbaycan Adrabijaan
UZ O‘zbek Luqadda usbiika
UK Українська Luqadda yukreyn
KA ქართული الجورجية
MK Македонски المقدونية
KM ភាសាខ្មែរ الخميرية
BM Bambara البامبارية
PA ਪੰਜਾਬੀ البنجابية
MR मराठी الماراثية
KMR Kurmancî الكرمنجية