عَنْ أَبِي مُسْلِمٍ الْخَوْلَانِيِّ، قَالَ: حَدَّثَنِي الْحَبِيبُ الْأَمِينُ، أَمَّا هُوَ فَحَبِيبٌ إِلَيَّ، وَأَمَّا هُوَ عِنْدِي فَأَمِينٌ، عَوْفُ بْنُ مَالِكٍ الْأَشْجَعِيُّ رضي الله عنه قَالَ:
كُنَّا عِنْدَ رَسُولِ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ، تِسْعَةً أَوْ ثَمَانِيَةً أَوْ سَبْعَةً، فَقَالَ: «أَلَا تُبَايِعُونَ رَسُولَ اللهِ؟» وَكُنَّا حَدِيثَ عَهْدٍ بِبَيْعَةٍ، فَقُلْنَا: قَدْ بَايَعْنَاكَ يَا رَسُولَ اللهِ، ثُمَّ قَالَ: «أَلَا تُبَايِعُونَ رَسُولَ اللهِ؟» فَقُلْنَا: قَدْ بَايَعْنَاكَ يَا رَسُولَ اللهِ، ثُمَّ قَالَ: «أَلَا تُبَايِعُونَ رَسُولَ اللهِ؟» قَالَ: فَبَسَطْنَا أَيْدِيَنَا وَقُلْنَا: قَدْ بَايَعْنَاكَ يَا رَسُولَ اللهِ، فَعَلَامَ نُبَايِعُكَ؟ قَالَ: «عَلَى أَنْ تَعْبُدُوا اللهَ وَلَا تُشْرِكُوا بِهِ شَيْئًا، وَالصَّلَوَاتِ الْخَمْسِ، وَتُطِيعُوا -وَأَسَرَّ كَلِمَةً خَفِيَّةً- وَلَا تَسْأَلُوا النَّاسَ شَيْئًا» فَلَقَدْ رَأَيْتُ بَعْضَ أُولَئِكَ النَّفَرِ يَسْقُطُ سَوْطُ أَحَدِهِمْ، فَمَا يَسْأَلُ أَحَدًا يُنَاوِلُهُ إِيَّاهُ.
المزيد
Abii Muslim Alkhawlaani waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaa ii waramay Xabiibkii Aaminka ahaa, isgu waa midaan jeclahay, oo isagu waa ka aamin xagayga, Cawf Binu Maalik Alashjaciye-Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri:
waxaan la joognay Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee anagoo sagaal ama sideed ama todoba ah, wuxuuna yiri: " miyeydaan la mubaayacoonayn Rasuulka Ilaahay?" waxaan ahayn kuwo ku cusub baycada, waxaan niri: waanu kula mubaayacoonay Rasuulka Ilaahayow, ka dib wuxuu yiri: "miyeydaan la mubaayacoonayn Rasuulka Ilaahay?" wuxuu yiri: gacmahayagaan fidinay, waxaana aan niri: waan kula mubaayacoonay Rasuul Ilaahayow, ee maxaan kugula mubaayacoonaa? wuxuu yiri: "inaad Ilaahay caabudaan, wax kalena aydaan la caabudin, iyo salaadaha shanta ah, oo aad adeecdaan-hadal yar buu hoos u dhigay-dadkana waxba ha waydiisanina" xaqiiqo ahaan waxaan arkay kuwaa qaarkood oo markuu jeedalku ka dhoco aan waydiisanayn qof u soo dhiiba.