1. Bogga hore
  2. Noocyada
  3. Fadaa`isha iyo Aadaabta

Xaddiis Adoon baa dambaabay Dambi, wuxuu yiri: Allahayow ii Dambi dhaaf

عن أبي هريرة رضي الله عنه
عَنِ النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ، فِيمَا يَحْكِي عَنْ رَبِّهِ عَزَّ وَجَلَّ، قَالَ: «أَذْنَبَ عَبْدٌ ذَنْبًا، فَقَالَ: اللَّهُمَّ اغْفِرْ لِي ذَنْبِي، فَقَالَ تَبَارَكَ وَتَعَالَى: أَذْنَبَ عَبْدِي ذَنْبًا، فَعَلِمَ أَنَّ لَهُ رَبًّا يَغْفِرُ الذَّنْبَ، وَيَأْخُذُ بِالذَّنْبِ، ثُمَّ عَادَ فَأَذْنَبَ، فَقَالَ: أَيْ رَبِّ اغْفِرْ لِي ذَنْبِي، فَقَالَ تَبَارَكَ وَتَعَالَى: عَبْدِي أَذْنَبَ ذَنْبًا، فَعَلِمَ أَنَّ لَهُ رَبًّا يَغْفِرُ الذَّنْبَ، وَيَأْخُذُ بِالذَّنْبِ، ثُمَّ عَادَ فَأَذْنَبَ، فَقَالَ: أَيْ رَبِّ اغْفِرْ لِي ذَنْبِي، فَقَالَ تَبَارَكَ وَتَعَالَى: أَذْنَبَ عَبْدِي ذَنْبًا، فَعَلِمَ أَنَّ لَهُ رَبًّا يَغْفِرُ الذَّنْبَ، وَيَأْخُذُ بِالذَّنْبِ، اعْمَلْ مَا شِئْتَ فَقَدْ غَفَرْتُ لَكَ».

Abii Hurayra Allaha ka raali noqde waxaa laga wariyey:
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Rabigi wuxuu ka wariyey, inuu yiri: " "Adoon baa dambaabay Dambi, wuxuu yiri: Allahayow ii Dambi dhaaf, Ilaahay sareeye wuxuu yiri : Adoonkaygaa dambaabay, wuxuuna ogaaday inuu leeyahay Rabi Dambiga dhaafa, kuna ciqaaba, hadana wuu ku noqdoo wuu dambaabay, wuxuuna yiri : Rabiyow, ii dambi dhaaf, Ilaahay ayaa yiri: Adoonkaygaa dambaabay, wuxuuna ogaaday inuu leeyahay Rabi dambiga dhaafa, kuna ciqaaba dabmiga, hadana wuu ku noqdoo wuu dambaabay, wuxuuna yiri: Rabiyow ii dambi dhaaf, Ilaahay ayaa yiri: wuu dambaabay Adoonkaygu wuxuuna ogaaday inuu leeyahay Rabi Dambiga dhaafa, kuna ciqaaba Dambiga, fal waxaad doonto, waan kuu Dambi dhaafaye".

Xadiis Saxiix ah Xadiis la isku waafaqay Saxiix Muslim - 2758

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu Rabigii ka wariyey inuu Adoonku markuu dambi falo ee uu dhoho: Allahayow ii dambi dhaaf, inuu Ilaahay dhahayo: Adoonkaygaa Dambi falay, oo ogaaday inuu leeyahay Rabi Dambiga dhaafa, kaasoo astura oo u dhaafa Dambiga, ama ku ciqaaba, waan kuu Dambi dhaafay. Hadana wuu ku noqday Adoonku oo wuu dambaabay, wuxuuna dhahay: Rabiyow ii Dambi dhaaf, Ilaahay ayaa dhahay: Adoonkaygaa Dambi ku dhacay, wuxuuna ogaaday inuu leeyahay Rabi Dambiga dhaafa, oo astura una dhaafa Adoonkiisa, ama ku ciqaaba, waan u Dambi dhaafay Adoonkayga. Hadana wuu ku noqday adoonkaygu oo dambaabay, wuxuuna dhahay: Rabiyow ii dami dhaaf, Ilaahay ayaa wuxu dhahay: Adoonkaygaa Dambi ku dhacay, wuxuuna ogaaday inuu leeyahay Rabi Dambiga dhaafa, oo astura una dhaafa Adoonkiisa, ama ku ciqaaba, waan u Dambi dhaafay Adoonkayga, ha sameeyo wuxuu doono kol haduu markuu Dambi falaba ka istaagayo, kana murugoonayo, go`aansanayo in aanu ku laaban doonin, laakiin naftiisu ka adkaanayso, Dambigiina ku dhacayo, intuu sidaa yahay oo Dambaabayo kana tawbo keenayo waan u Dambi dhaafi, tawbadaa baabi'isa wixii ka horeeyey.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Naxariista Ilaahay siiyey adoomadiisa waa waasac, dadkuna si kasta oo ay u dambaabaan hadii ay ka towba keenaan ee ay Ilaahay u soo noqdaan wuu ka towbo aqbalaa.
  2. Muuminka Ilaahay rumeeyey wuxuu rajo ka qabaa cafinta rabigiis, ciqaabtiisana wuu ka cabsadaa, towbada ayuu u degdegaa oo macsida kuma sii jiro.
  3. Shuruuda towbada ee sexda ahi waa: Dambiga oo la joojiyo, lagana qoomameeyo, oo la go`aansado inaan lagu laaban Dambiga, hadayse tahay towbadu Dulmi laga galay Adoomada, sida Maalka, Cirdiga-Sharafka Qofka, iyo Naftaba, shardi kale oo afraad baa ku biiraya, kaasoo ah ka xalaashiga Qofkii xaqa iska lahaa, ama in la siiyo xaqiisa.
  4. Muhimad ayey leedahay Aqoonta Ilaahay taasoo ka dhigaysa Adoonka mid aqoon u leh Diintiisa oo mar walba oo uu Dambaabo u towba keena Ilaahay, oo aanu quusan kuna sii jirin Dambiga.

Bandhigga tarjumada.

68 Tarjumada
EN English Engriisi
UR اردو Urduu
ES Español Isbaanish
ID Indonesia Indunuusi
UG ئۇيغۇرچە Luqadda iigoorka
BN বাংলা Luqadda Bengaaliga
FR Français Faransiis
TR Türkçe Luqadda Turkiga.
RU Русский Ruush
BS Bosanski Boosni
SI සිංහල Luqadda Sanhaaliga
HI हिन्दी Luqadda Hindida
ZH 中文 Luqadda Shiinaha
FA فارسی Luqadda Faarisiga
VI Tiếng Việt Luqadda fiitnaam
TL Tagalog Luqadda Tajaluga
KU Kurdî Kurdiga
HA Hausa Hawsaha
PT Português Boortaqiis
ML മലയാളം Malayaalim
TE తెలుగు Telgoo
SW Kiswahili Sawaaxili
TA தமிழ் Taymaali
MY မြန်မာ Boorma
TH ไทย Taylaand
DE Deutsch Jarmal
JA 日本語 Japan
PS پښتو Luqadda bushtuuga
AS অসমীয়া Asaami
SQ Shqip Albaani
SV Svenska Luqadda iswiidhen
AM አማርኛ Luqadda Amxaariga
NL Nederlands Luqadda hoolandiga
GU ગુજરાતી Luqadda gujaraatka
KY Кыргызча Luqadda qer-qeesiya
NE नेपाली Luqadda nebool
YO Yorùbá Yorba
LT Lietuvių Luqadda Liitawaaniga
PRS دری Luqadda dariya
SR Српски Luqadda serbiga
TG тоҷикӣ Luqadda daajiika
RW Kinyarwanda Ruwanda
RO Română Luqadda roomaaniya
HU Magyar Luqadda hangeriga
CS Čeština Luqadda jeegga
MOS Moore الموري
MG Malagasy Malgaashi
FF Fulfulde Luqadda foolaaniga
IT Italiano Talyaani
OM Oromoo Oromo
KN ಕನ್ನಡ Luqadda kinaadiga
WO Wolof الولوف
BG Български البلغارية
AZ Azərbaycan Adrabijaan
EL Ελληνικά اليونانية
AK Akan الأكانية
UZ O‘zbek Luqadda usbiika
UK Українська Luqadda yukreyn
KA ქართული الجورجية
LN Lingala اللينجالا
MK Македонски المقدونية
KM ភាសាខ្មែរ الخميرية
BM Bambara البامبارية
PA ਪੰਜਾਬੀ البنجابية
MR मराठी الماراثية
RN Kirundi الكيروندي
YAO Yao الياو
KMR Kurmancî الكرمنجية