1. Bogga hore
  2. Noocyada
  3. Fiqiga iyo usuushiisa

Xaddiis dadow, waxaan sidaan u sameeyey inaad igu dayataan oo barataan salaadayda

عن أَبِي حَازِمِ بْن دِينَارٍ:
أَنَّ رِجَالًا أَتَوْا سَهْلَ بْنَ سَعْدٍ السَّاعِدِيَّ، وَقَدِ امْتَرَوْا فِي الْمِنْبَرِ مِمَّ عُودُهُ، فَسَأَلُوهُ عَنْ ذَلِكَ، فَقَالَ: وَاللهِ إِنِّي لَأَعْرِفُ مِمَّا هُوَ، وَلَقَدْ رَأَيْتُهُ أَوَّلَ يَوْمٍ وُضِعَ، وَأَوَّلَ يَوْمٍ جَلَسَ عَلَيْهِ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ، أَرْسَلَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ إِلَى فُلَانَةَ -امْرَأَةٍ من الأنصار قَدْ سَمَّاهَا سَهْلٌ-: «مُرِي غُلَامَكِ النَّجَّارَ أَنْ يَعْمَلَ لِي أَعْوَادًا أَجْلِسُ عَلَيْهِنَّ إِذَا كَلَّمْتُ النَّاسَ»، فَأَمَرَتْهُ فَعَمِلَهَا مِنْ طَرْفَاءِ الْغَابَةِ، ثُمَّ جَاءَ بِهَا، فَأَرْسَلَتْ إِلَى رَسُولِ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ، فَأَمَرَ بِهَا فَوُضِعَتْ هَاهُنَا، ثُمَّ رَأَيْتُ رَسُولَ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ صَلَّى عَلَيْهَا وَكَبَّرَ وَهُوَ عَلَيْهَا، ثُمَّ رَكَعَ وَهُوَ عَلَيْهَا، ثُمَّ نَزَلَ الْقَهْقَرَى، فَسَجَدَ فِي أَصْلِ الْمِنْبَرِ ثُمَّ عَادَ، فَلَمَّا فَرَغَ أَقْبَلَ عَلَى النَّاسِ فَقَالَ: «أَيُّهَا النَّاسُ، إِنَّمَا صَنَعْتُ هَذَا لِتَأْتَمُّوا وَلِتَعَلَّمُوا صَلَاتِي».

Abii Xaasim Binu Diinaar Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri:
Rag ayaa u yimid Sahal Binu Sacad Alsaacidi Allaha ka raali ahaade iyagoo ku murmay geedka laga sameeyey mimbarka, taasyna waydiiyeen, wuxuu ku yiri: walaahi ma ogi waxa laga sameyey, waana joogay maalintii u horaysay ee la soo dhigay iyo maalintii u horaysay ee Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ku fariistay, Nabigu wuxuu fartiin u diray gabadha hebla ah, waana gabar Ansaar ah oo Sahal magacaabay, oo Nabigu scw ku yiri: " u dir wiilkaaga Najaarka ah ha iiga sameeyo tiirar wax aan ku fariisto markaan dadka la hadlaayo", wayna u dirtay wuxuuna ka soo sameeyey geedka la dhoho Darfa`i ee baadiyaha ka baxa, ka dibna wuu u keenay, wayna u sii dhiibtay Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee , markaas ayaa Nabigu amray in la dhigo halkaan, ka dibna waxaan arkay Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee oo fuushan oo takbiirsaday isagoo fuula, oo rukuucay isagoo fuula, ka dibna gadaalgadaal uga soo dagay, oo mimbarka salkiisa ku sujuuday oo hadana ku noqday, markuu dhamaystay ayuu dadka ku soo jeensday oo ku yiri: " dadow, waxaan sidaan u sameeyey inaad igu dayataan oo barataan salaadayda".

Xadiis Saxiix ah Xadiis la isku waafaqay Saxiix AlBukhaari - 917

Sharraxaad

Rag ayaa u yimid mid ka mida Asaxaabta, iyagoo waydiinaya minbarkii Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu samaystay waxa laga sameeyey? wayna ku murmeen oo ku doodeen arinkaa, wuxuuna u sheegay: in Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee qof u diray gabar Ansaar ah, taasoo wiil khaadim ah oo najaar ah lahayd, wuxuuna Suubbanuhu faray gabadhaa inay wiilka amarto inuu u soo sameeyo minbar uu ku fadhiisto markuu dadka la hadlaayo, wayna aqbashay gabadhii, wiilkiina waxay fartay inuu Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uga soo sameeyo geedka durafa`a, markuu dhameeyey gabadhii waxay u dirtay Nabiga scw, Nabiguna scw wuu amray in la dhigo meesha uu masjidka ka yaalo, ka dib Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuu ku tukaday wuuna takbiirsaday isagoo fuula, wuuna rukuucay isagoo fuula, ka dibna waa ka soo dagay isagoo gadaal u socda oo aan wajigiisa xaga danbe u jeedinayn wuxuun ku sujuuday minbarka salkiisa ka dibna waa ku noqday, markii uu dhamaystay salaadii ayuu dadka ku soo jeensaday oo ku yiri: waxaan sidaan u sameeyey inaad igu dayataan oo barataan salaadayda.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. waa suno in la samaysto minbar oo khadiibkuna fuulo, faa'iidadiisuna waa gaadhsiin iyo maqashiinta.
  2. Way banaan tahay in lagu tukado minbarka si loo baro dadka salaada, waxaa kaloo banaan in imaamku qof ma'amuumka ah ka sareeyo, marka loo baahdo.
  3. Waa wax banaan in loo kaashado dadka farsama yaqaanka ah wax yaabaha muslimiintu u baahan yihiin.
  4. Wuu banaan yahay dhaq-dhaqaaqa yar salaada dhexdeeda hadii loo baahdo.
  5. Way banaan tahay in ma'amuumku eego salaada dhexdeeda imaamkiisa, si uu uga barto imaamka, taasina khushuuca ma diidayso.

Bandhigga tarjumada.

62 Tarjumada
EN English Engriisi
UR اردو Urduu
ES Español Isbaanish
ID Indonesia Indunuusi
UG ئۇيغۇرچە Luqadda iigoorka
BN বাংলা Luqadda Bengaaliga
FR Français Faransiis
TR Türkçe Luqadda Turkiga.
RU Русский Ruush
BS Bosanski Boosni
SI සිංහල Luqadda Sanhaaliga
HI हिन्दी Luqadda Hindida
ZH 中文 Luqadda Shiinaha
FA فارسی Luqadda Faarisiga
VI Tiếng Việt Luqadda fiitnaam
TL Tagalog Luqadda Tajaluga
KU Kurdî Kurdiga
HA Hausa Hawsaha
PT Português Boortaqiis
ML മലയാളം Malayaalim
TE తెలుగు Telgoo
SW Kiswahili Sawaaxili
TA தமிழ் Taymaali
MY မြန်မာ Boorma
TH ไทย Taylaand
DE Deutsch Jarmal
JA 日本語 Japan
PS پښتو Luqadda bushtuuga
AS অসমীয়া Asaami
SQ Shqip Albaani
SV Svenska Luqadda iswiidhen
AM አማርኛ Luqadda Amxaariga
NL Nederlands Luqadda hoolandiga
GU ગુજરાતી Luqadda gujaraatka
KY Кыргызча Luqadda qer-qeesiya
NE नेपाली Luqadda nebool
YO Yorùbá Yorba
LT Lietuvių Luqadda Liitawaaniga
PRS دری Luqadda dariya
SR Српски Luqadda serbiga
TG тоҷикӣ Luqadda daajiika
RW Kinyarwanda Ruwanda
RO Română Luqadda roomaaniya
HU Magyar Luqadda hangeriga
CS Čeština Luqadda jeegga
MOS Moore الموري
MG Malagasy Malgaashi
IT Italiano Talyaani
OM Oromoo Oromo
KN ಕನ್ನಡ Luqadda kinaadiga
WO Wolof الولوف
AZ Azərbaycan Adrabijaan
UZ O‘zbek Luqadda usbiika
UK Українська Luqadda yukreyn
KA ქართული الجورجية
MK Македонски المقدونية
KM ភាសាខ្មែរ الخميرية
BM Bambara البامبارية
PA ਪੰਜਾਬੀ البنجابية
MR मराठी الماراثية
YAO Yao الياو
KMR Kurmancî الكرمنجية