1. Bogga hore
  2. Noocyada
  3. Caqiidada

Xaddiis Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaa la waydiiyey: xaga Ilaahay dambigee ugu wayn?, wuxuu yiri: "waa adigoo Ilaahay u sameeya mid la mida isagoo ku abuuray

عَنْ عَبْدِ اللهِ بنِ مَسْعُودٍ رضي الله عنه قال:
سَأَلْتُ النَّبِيَّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: أَيُّ الذَّنْبِ أَعْظَمُ عِنْدَ اللهِ؟ قَالَ: «أَنْ تَجْعَلَ لِلهِ نِدًّا وَهُوَ خَلَقَكَ» قُلْتُ: إِنَّ ذَلِكَ لَعَظِيمٌ، قُلْتُ: ثُمَّ أَيُّ؟ قَالَ: «وَأَنْ تَقْتُلَ وَلَدَكَ؛ تَخَافُ أَنْ يَطْعَمَ مَعَكَ» قُلْتُ: ثُمَّ أَيُّ؟ قَالَ: «أَنْ تُزَانِيَ حَلِيلَةَ جَارِكَ».

Cabdillaahi Binu Mascuud -Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey inuu yiri:
Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaa la waydiiyey: xaga Ilaahay dambigee ugu wayn?, wuxuu yiri: "waa adigoo Ilaahay u sameeya mid la mida isagoo ku abuuray", waxaan iri: arinkaasi waa mid weyn, maxaa ku xiga?, wuxuu yiri: "inaad Ilmahaaga disho, adoo ka cabsanaaya inuu wax kula cuno", waxaan iri: maxaa ku xiga? wuxuu yiri: "inaad ka sinaysatid Xaaska Dariskaaga".

Xadiis Saxiix ah Xadiis la isku waafaqay Saxiix AlBukhaari - 4477

Sharraxaad

Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, waxaa la waydiiyey kan ugu weyn Dambiyada wuxuuna yiri: Dambiyada shirkigaa ugu weyn, waana inaad Ilaahay u sameyso mid u dhigma ama la mida Ilaahnimadiisa ama Rabinimadiisa ama Magacyadiisa iyo Sifaadkiisa, danbigaasna Ilaahay kuma dhaafo Towbad mooyee, Qofkii sameeyaa haduu ku dhinto Naarta ayuu ku waarayaa. Ka dib waxaa Qofkii ilmihiisa dila isagoo ka baqaya inuu wax la cuno, dilka naftana waa la xarimay, laakiin wuxuu dambigu ku sii waynaanayaa markuu noqdo kan la dilay mid qaraabo dhaw la ah kan dilay, waxa kaloo dambiga sii waynaynaya marka ujeedka dilku noqdo cabsi uu ka qabo kan wax dilay in kan la dilay la wadaago irsaaqada Ilaahay. Ka dib waxaa xiga in ninku ka sinaysto Xaaska Dariskiisa, isagoo dabin u dhigaaya Xaaska Dariskiisa ilaa uu ka sinaysto oo ay u hogaansanto. Sinadu waa xaaraan laakiin wuxuu dambigeedu sii weyn yahay marka mida laga sinaystey ay tahay Xaaska Dariska ee Shareecada Islaamku ku la dardaarantay in la wanaajiyo oo loo baarinimo falo oo dhaqan fiican lagula dhaqmo.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Xadiiska waxaa ku sugan in Dambiyade ka la weyn yihiin, sida camalka wanaagsanba uu u ka la ajar badan yahay.
  2. Dambiyada waxaa ugu weyn: Ilaahay oo loo shariig yeelo, ka dibna inaad disho Ubadkaaga adigo ka baqaya inuu wax ku la cuno, ka dibna inaad ka sinaysato Xaaska Dariskaaga.
  3. IrsaaqaduGacanta Ilaahay ayey ku jirtaa, Isagaana kafaala qaaday quudka Makhluuqa oo dhan.
  4. Xaqa Jaarku waa mid aad u weyn, dhibka loo gaystona dambigiisu waa ka weyn yahay kan loo gaysto dadka kale.
  5. Allaha Khaaliqa ah kaligi uun baa xaq u leh cibaadada cid la wadaagtana ma jirto.

Bandhigga tarjumada.

60 Tarjumada
EN English Engriisi
UR اردو Urduu
ES Español Isbaanish
ID Indonesia Indunuusi
UG ئۇيغۇرچە Luqadda iigoorka
BN বাংলা Luqadda Bengaaliga
FR Français Faransiis
TR Türkçe Luqadda Turkiga.
RU Русский Ruush
BS Bosanski Boosni
SI සිංහල Luqadda Sanhaaliga
HI हिन्दी Luqadda Hindida
ZH 中文 Luqadda Shiinaha
FA فارسی Luqadda Faarisiga
VI Tiếng Việt Luqadda fiitnaam
TL Tagalog Luqadda Tajaluga
KU Kurdî Kurdiga
HA Hausa Hawsaha
PT Português Boortaqiis
ML മലയാളം Malayaalim
TE తెలుగు Telgoo
SW Kiswahili Sawaaxili
TA தமிழ் Taymaali
MY မြန်မာ Boorma
TH ไทย Taylaand
DE Deutsch Jarmal
JA 日本語 Japan
PS پښتو Luqadda bushtuuga
AS অসমীয়া Asaami
SQ Shqip Albaani
SV Svenska Luqadda iswiidhen
AM አማርኛ Luqadda Amxaariga
NL Nederlands Luqadda hoolandiga
GU ગુજરાતી Luqadda gujaraatka
KY Кыргызча Luqadda qer-qeesiya
NE नेपाली Luqadda nebool
YO Yorùbá Yorba
LT Lietuvių Luqadda Liitawaaniga
PRS دری Luqadda dariya
SR Српски Luqadda serbiga
TG тоҷикӣ Luqadda daajiika
RW Kinyarwanda Ruwanda
RO Română Luqadda roomaaniya
HU Magyar Luqadda hangeriga
CS Čeština Luqadda jeegga
MOS Moore الموري
MG Malagasy Malgaashi
OM Oromoo Oromo
KN ಕನ್ನಡ Luqadda kinaadiga
WO Wolof الولوف
AZ Azərbaycan Adrabijaan
UZ O‘zbek Luqadda usbiika
UK Українська Luqadda yukreyn
KA ქართული الجورجية
MK Македонски المقدونية
KM ភាសាខ្មែរ الخميرية
BM Bambara البامبارية
PA ਪੰਜਾਬੀ البنجابية
MR मराठी الماراثية
KMR Kurmancî الكرمنجية