1. Bogga hore
  2. Noocyada
  3. Caqiidada

Xaddiis Hadii aad maqashaan Mu'adinka dhaha wuxuu dhahayo, anigana igu saliya

عَنْ ‌عَبْدِ اللهِ بْنِ عَمْرِو بْنِ الْعَاصِ رضي الله عنها أَنَّهُ سَمِعَ النَّبِيَّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ:
«إِذَا سَمِعْتُمُ الْمُؤَذِّنَ فَقُولُوا مِثْلَ مَا يَقُولُ، ثُمَّ صَلُّوا عَلَيَّ، فَإِنَّهُ مَنْ صَلَّى عَلَيَّ صَلَاةً صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ بِهَا عَشْرًا، ثُمَّ سَلُوا اللهَ لِيَ الْوَسِيلَةَ، فَإِنَّهَا مَنْزِلَةٌ فِي الْجَنَّةِ، لَا تَنْبَغِي إِلَّا لِعَبْدٍ مِنْ عِبَادِ اللهِ، وَأَرْجُو أَنْ أَكُونَ أَنَا هُوَ، فَمَنْ سَأَلَ لِيَ الْوَسِيلَةَ حَلَّتْ لَهُ الشَّفَاعَةُ».

Cabdullaahi Binu Camar Binu Caas Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu ka maqlay Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo dhahaya:
"Hadii aad maqashaan Mu'adinka dhaha wuxuu dhahayo, anigana igu saliya, waayo Qofka igu saliya hal mar Ilaahay ayaa toban jeer ku saliya, ka dibna ii weydiiya Ilaahay wasiila, wasiiladu waa darajo Janada ku taal, oo aan ku haboonayn Adoon ka mida Adoomada Ilaahay mooyaane, waxaanan rajaynayaa inaan noqdo Adoonkaas, Qofka ii waydiiya wasiila waxaa gaaraya Shafaacadayda".

Xadiis Saxiix ah Waxa wariyay Muslim Saxiix Muslim - 384

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu Ummaddiisa ku booriyey i Qofka maqla Mu'adinka Salaada u adimaya inuu ka daba dhoho wuxuu leeyahay Mu'adinku, marka laga reebo xay calataynka, labadaa wuxuu ka daba dhahayaa: laa xawla walaa quwata ilaa Billaah, ka dib Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayuu ku saliyayaa marka Aadaanku dhamaado, Qofka hal mar ku saliya sababteeda Ilaahay wuxuu ugu saliyaa toban Salaadood, Salaada Ilaahay ku saliyaayo Adoonkiisa macnaheedu waa in Ilaahay Adoonka ku amaanayo malaa`igta agteeda.
Ka dib wuxuu faray Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee in Ilaahay loo weydiiyo ''wasiila'', waana darajo Janada ka mida, waana tan ugu saraysa, waana darajo aan ku haboonayn una qalmin hal Adoon oo Adoomada Ilaahay ka mida mooyee, waxaanan Ilaahay ka rajaynayaa inaan noqdo Adoonkaa, Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sidaa u yiri waa tawaaduc, waayo hadii darajadaas sare hal Qof mudan yahay, Qofkaasi isaga maahee cid kale ma noqonaayo, waayo isagaa ugu fadli badan khalqiga.
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in qofka Ilaahay Nabiga uga barya ''wasiilo'' inuu halayo shafaacada Nabiga scw.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waxaa la isku boorinayaa in la ajiibo Mu'adinka.
  2. Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee in lagu saliyo fadli ayey leedahay Mu`adinka marka la ajiibo ka dib.
  3. Waxaa la isku boorinayaa in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Ilaahay loo waydiiyo ''wasiila'' marka lagu saliyo isaga ka dib.
  4. Wasiiladu waa darajo sare, oo Adoon qura maahee cid kale u qalmin.
  5. Waxaa la cadeeyey Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee fadligiisa waxaana lagu gaar yeelay darajadaas sare.
  6. Qofka Ilaahay u waydiiya Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ''wasiila'' shafaacadiisa ayuu helayaa.
  7. Waxaa la cadeeyey Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee tawaaduciisa waayo wuxuu weydiistay Ummaddiisu inay Ilaahay uga barido darajadaas sare, iyadoo darajaas isaga la siin doono.
  8. Waa Ilaahay fadligiisa iyo naxariistiisa waasaca ah, oo halka xasano waxay u dhigantaa toban iyada la mida.

Bandhigga tarjumada.

60 Tarjumada
EN English Engriisi
UR اردو Urduu
ES Español Isbaanish
ID Indonesia Indunuusi
UG ئۇيغۇرچە Luqadda iigoorka
BN বাংলা Luqadda Bengaaliga
TR Türkçe Luqadda Turkiga.
RU Русский Ruush
BS Bosanski Boosni
SI සිංහල Luqadda Sanhaaliga
HI हिन्दी Luqadda Hindida
ZH 中文 Luqadda Shiinaha
FA فارسی Luqadda Faarisiga
VI Tiếng Việt Luqadda fiitnaam
TL Tagalog Luqadda Tajaluga
KU Kurdî Kurdiga
HA Hausa Hawsaha
PT Português Boortaqiis
ML മലയാളം Malayaalim
TE తెలుగు Telgoo
SW Kiswahili Sawaaxili
TA தமிழ் Taymaali
MY မြန်မာ Boorma
TH ไทย Taylaand
DE Deutsch Jarmal
JA 日本語 Japan
PS پښتو Luqadda bushtuuga
AS অসমীয়া Asaami
SQ Shqip Albaani
SV Svenska Luqadda iswiidhen
AM አማርኛ Luqadda Amxaariga
NL Nederlands Luqadda hoolandiga
GU ગુજરાતી Luqadda gujaraatka
KY Кыргызча Luqadda qer-qeesiya
NE नेपाली Luqadda nebool
YO Yorùbá Yorba
LT Lietuvių Luqadda Liitawaaniga
PRS دری Luqadda dariya
SR Српски Luqadda serbiga
TG тоҷикӣ Luqadda daajiika
RW Kinyarwanda Ruwanda
RO Română Luqadda roomaaniya
HU Magyar Luqadda hangeriga
CS Čeština Luqadda jeegga
MOS Moore الموري
MG Malagasy Malgaashi
IT Italiano Talyaani
OM Oromoo Oromo
KN ಕನ್ನಡ Luqadda kinaadiga
WO Wolof الولوف
AZ Azərbaycan Adrabijaan
UZ O‘zbek Luqadda usbiika
UK Українська Luqadda yukreyn
KA ქართული الجورجية
MK Македонски المقدونية
KM ភាសាខ្មែរ الخميرية
BM Bambara البامبارية
PA ਪੰਜਾਬੀ البنجابية
MR मराठी الماراثية
KMR Kurmancî الكرمنجية