1. Bogga hore
  2. Noocyada
  3. Fiqiga iyo usuushiisa

Xaddiis Hadii midkiin ka shakiyo Salaadiisa, ee uu garan waayo seddex miyuu tukaday mise afar, hatuuro shakiga, oo ha ku dhiso-hakabilaabo- inta uu hubo, hana sujuudo labo sujuudood oo sahwi ah inta aanu salaama naqsan ka hor

عَنْ أَبِي سَعِيدٍ الْخُدْرِيِّ رضي الله عنه قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ:
«إِذَا شَكَّ أَحَدُكُمْ فِي صَلَاتِهِ، فَلَمْ يَدْرِ كَمْ صَلَّى ثَلَاثًا أَمْ أَرْبَعًا، فَلْيَطْرَحِ الشَّكَّ، وَلْيَبْنِ عَلَى مَا اسْتَيْقَنَ، ثُمَّ يَسْجُدُ سَجْدَتَيْنِ قَبْلَ أَنْ يُسَلِّمَ، فَإِنْ كَانَ صَلَّى خَمْسًا شَفَعْنَ لَهُ صَلَاتَهُ، وَإِنْ كَانَ صَلَّى إِتْمَامًا لِأَرْبَعٍ كَانَتَا تَرْغِيمًا لِلشَّيْطَانِ».

Abii Saciid Alkhudri Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri:
"Hadii midkiin ka shakiyo Salaadiisa, ee uu garan waayo seddex miyuu tukaday mise afar, hatuuro shakiga, oo ha ku dhiso-hakabilaabo- inta uu hubo, hana sujuudo labo sujuudood oo sahwi ah inta aanu salaama naqsan ka hor, haduu shan tukaday Salaadiisay buuxinayaan-sujuudu sahwigu- oo witirka ka bi'inaysaa, haduu afar buuxiyeyna shaydaankay dulaynaysaa."

Xadiis Saxiix ah Waxa wariyay Muslim Saxiix Muslim - 571

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in Qofka tukanaya haduu ka shakiyo Salaadiisa oo uu garan waayo inta uu tukaday ma seddex baa mise afar? ha tuuro tirada dheeriga ah ee inuu ka shakiyey oo yaanu qaadan, seddexda ayuu hubaa, ee hatukado rakcad afaraad, ka dibna ha sujuudo labo sujuudood inta aanu salaama naqsan.
Hadii inta uu tukaday xaqiiqo ahaan afar tahay, rakcada lagu daray shan ayey ku noqon, labada sujuudoodna baddal bay ka ahaanayaan rakcada, sidaasayna tiradu ku buuxsamaysaa oo noqon mayso tiro is dheer, hadii rakcada dheeriga ah ee uu tukaday afar tahayna, wuxuu noqonayaa mid gutay wixii laga rabey oo aan siyaado iyo nuqsaan lahayn.
Labada sujuudood ee sahwiguna shaydaankay dulayn iyo jabin ku tahay, wuxuuna noqonayaa mid ku hungoobay oo ku guul daraystay ujeedadiisii, waayo Salaadii ayuu shaki ka galiyey, oo inuu ka kharibo damcay, wayse dhamaystirantay salaada Qofku markuu gutay amarka Ilaahay ee ahaa sujuudii ibliis Ilaahay ku caasiyey markuu diiday inuu Ilaahay ku adeeco sujuudii Aadam.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Qofka tukanaya haduu ka shakiyo Salaadiisa oo labada tiro uu mid rajixi waayo wuxuu tuurayaa shakiga wuxuuna ku shaqaynayaa inta uu hubo, waana tan yar, wuuna dhamaystirayaa salaadiisa, wuxuuna sujuudayaa sujuud sahwi inta aanu salaama naqsan ka dibna wuu salaama naqsan.
  2. Labadaa sujuudood waxay kabayaan salaada, shaydaankana mid dulaysan oo ku hungoobay ujeedadiisii lagana fogeeyey ayey ka dhigaysaa.
  3. Shakiga xaddiiska kusoo arooray waa shakiga aanu Qofku xagna ubadineyn, hadii uu jiro tuhun oo dhinac u bato wuu ku dhaqmi.
  4. Waxaa la isku boorinayaa in lala dagaalo was-waaska oo la isaga difaaco iyadoo la gudanaayo amarka Shareecada.

Bandhigga tarjumada.

56 Tarjumada
EN English Engriisi
UR اردو Urduu
ES Español Isbaanish
ID Indonesia Indunuusi
BN বাংলা Luqadda Bengaaliga
TR Türkçe Luqadda Turkiga.
RU Русский Ruush
BS Bosanski Boosni
SI සිංහල Luqadda Sanhaaliga
HI हिन्दी Luqadda Hindida
ZH 中文 Luqadda Shiinaha
FA فارسی Luqadda Faarisiga
VI Tiếng Việt Luqadda fiitnaam
TL Tagalog Luqadda Tajaluga
KU Kurdî Kurdiga
HA Hausa Hawsaha
PT Português Boortaqiis
ML മലയാളം Malayaalim
TE తెలుగు Telgoo
SW Kiswahili Sawaaxili
TA தமிழ் Taymaali
MY မြန်မာ Boorma
TH ไทย Taylaand
DE Deutsch Jarmal
PS پښتو Luqadda bushtuuga
AS অসমীয়া Asaami
SQ Shqip Albaani
SV Svenska Luqadda iswiidhen
AM አማርኛ Luqadda Amxaariga
NL Nederlands Luqadda hoolandiga
GU ગુજરાતી Luqadda gujaraatka
KY Кыргызча Luqadda qer-qeesiya
NE नेपाली Luqadda nebool
YO Yorùbá Yorba
LT Lietuvių Luqadda Liitawaaniga
PRS دری Luqadda dariya
SR Српски Luqadda serbiga
TG тоҷикӣ Luqadda daajiika
RW Kinyarwanda Ruwanda
RO Română Luqadda roomaaniya
HU Magyar Luqadda hangeriga
CS Čeština Luqadda jeegga
MOS Moore الموري
MG Malagasy Malgaashi
OM Oromoo Oromo
KN ಕನ್ನಡ Luqadda kinaadiga
WO Wolof الولوف
AZ Azərbaycan Adrabijaan
UZ O‘zbek Luqadda usbiika
UK Українська Luqadda yukreyn
KA ქართული الجورجية
MK Македонски المقدونية
KM ភាសាខ្មែរ الخميرية
PA ਪੰਜਾਬੀ البنجابية
MR मराठी الماراثية
KMR Kurmancî الكرمنجية