1. Bogga hore
  2. Noocyada
  3. Dacwada iyo Xisbada

Xaddiis Xubin kasta oo xubnaha jirka ka mida waxaa ku waajiba Sadaqo

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ:
«كُلُّ سُلاَمَى مِنَ النَّاسِ عَلَيْهِ صَدَقَةٌ، كُلَّ يَوْمٍ تَطْلُعُ فِيهِ الشَّمْسُ يَعْدِلُ بَيْنَ الِاثْنَيْنِ صَدَقَةٌ، وَيُعِينُ الرَّجُلَ عَلَى دَابَّتِهِ فَيَحْمِلُ عَلَيْهَا أَوْ يَرْفَعُ عَلَيْهَا مَتَاعَهُ صَدَقَةٌ، وَالكَلِمَةُ الطَّيِّبَةُ صَدَقَةٌ، وَكُلُّ خُطْوَةٍ يَخْطُوهَا إِلَى الصَّلاَةِ صَدَقَةٌ، وَيُمِيطُ الأَذَى عَنِ الطَّرِيقِ صَدَقَةٌ».

Abii Hureyra-Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri:
"Xubin kasta oo xubnaha jirka ka mida waxaa ku waajiba Sadaqo, Maalin kasta oo Qoraxdu soo baxdo, labo Qof oo uu dhex-dhexaadiyo waa u Sadaqo, haduu ka caawiyo nin Gaadiidkiisa isagoo Gacan ku siinaya inuu fuulo ama Alaabtiisa u soo dhiiba waa u Sadaqo, hadalka fiicana waa u Sadaqo, talaabo walba oo uu Masaajidka u qaadaana waa u Sadaqo, dariiqa oo dhibka uu ka fogeeyana waa u Sadaqo."

Xadiis Saxiix ah Xadiis la isku waafaqay Saxiix AlBukhaari - 2989

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in Muslim kasta oo qaan gaar ah laga rabo Maalin kasta Xubin walba oo Xubnaha Jirkiisa ka mida Sadaqo uu Ilaahay darti ula baxo isagoo uga mahad celinaaya Ilaahay caafimaadka, iyo inuu uga dhigay lafahiisa xubno uu soo laabi karo oo uu fidin karo. Sadaqadaas waxaa lagu bixin karaa camal kasta oo wanaagsan ee kuma xirna in Xoolo la bixiyo oo kaliya waxaana ka mid ah: Dhex-dhexaadintaada iyo heshiisiintaada labo is heysata waa Sadaqo, Midka aan awoodin inuu fuulo ama raro Gaadiidkiisa oo aad caawisana waa Sadaqo, Hadalka wanaagsan sida: Dikriga, Ducada, Salaanta, iyo qayrkeed waa Sadaqo. Talaabo kasta oo aad u qaado Salaada waa Sadaqo, Dariiqa oo aad ka qaado wixii lagu dhibtoonayo waa Sadaqo.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Qaabka ay iskugu rakiban yihiin Lafaha iyo xubnaha Aadanuhu waa nicmooyinka Ilaahay ee ugu waaweyn, waxaana loo baahan yahay in xubin walba sigaar ah looga Sadaqo bixiyo, si ay u noqoto mahadnaqa nicmadaas.
  2. Waxaa la is jeclaysiinayaa in la cusboonaysiiyo mahadnaqa Maalin kasta, si ay nicmadaasi joogto u noqoto
  3. Waxaa la is jeclaysiinayaa in la joogteeyo Sunaha iyo Sadaqada Maalin kasta.
  4. Fadli wayn ayaa ku jira in dadka la heshiisiiyo .
  5. Waxaa la isku boorinayaa in ninku Walaalkiis caawiyo, waayo caawintiisu waa Sadaqo.
  6. Waxaa la isku boorinayaa in la tago Jamaacaadka oo loo socdo Salaada, oo Masaajida lagu camiro arinkaas.
  7. Waa waajib in la ixtiraamo dariiqa Muslimiintu marayaan lagana fogeeyo wixii Muslimiimta dhibayaa.

Bandhigga tarjumada.

62 Tarjumada
EN English Engriisi
UR اردو Urduu
ES Español Isbaanish
ID Indonesia Indunuusi
UG ئۇيغۇرچە Luqadda iigoorka
BN বাংলা Luqadda Bengaaliga
FR Français Faransiis
TR Türkçe Luqadda Turkiga.
RU Русский Ruush
BS Bosanski Boosni
SI සිංහල Luqadda Sanhaaliga
HI हिन्दी Luqadda Hindida
ZH 中文 Luqadda Shiinaha
FA فارسی Luqadda Faarisiga
VI Tiếng Việt Luqadda fiitnaam
TL Tagalog Luqadda Tajaluga
KU Kurdî Kurdiga
HA Hausa Hawsaha
PT Português Boortaqiis
ML മലയാളം Malayaalim
TE తెలుగు Telgoo
SW Kiswahili Sawaaxili
TA தமிழ் Taymaali
TH ไทย Taylaand
DE Deutsch Jarmal
JA 日本語 Japan
PS پښتو Luqadda bushtuuga
AS অসমীয়া Asaami
SQ Shqip Albaani
SV Svenska Luqadda iswiidhen
AM አማርኛ Luqadda Amxaariga
NL Nederlands Luqadda hoolandiga
GU ગુજરાતી Luqadda gujaraatka
KY Кыргызча Luqadda qer-qeesiya
NE नेपाली Luqadda nebool
YO Yorùbá Yorba
LT Lietuvių Luqadda Liitawaaniga
PRS دری Luqadda dariya
SR Српски Luqadda serbiga
TG тоҷикӣ Luqadda daajiika
RW Kinyarwanda Ruwanda
RO Română Luqadda roomaaniya
HU Magyar Luqadda hangeriga
CS Čeština Luqadda jeegga
MOS Moore الموري
MG Malagasy Malgaashi
OM Oromoo Oromo
KN ಕನ್ನಡ Luqadda kinaadiga
WO Wolof الولوف
AZ Azərbaycan Adrabijaan
UZ O‘zbek Luqadda usbiika
UK Українська Luqadda yukreyn
KA ქართული الجورجية
MK Македонски المقدونية
KM ភាសាខ្មែរ الخميرية
BM Bambara البامبارية
PA ਪੰਜਾਬੀ البنجابية
MR मराठी الماراثية
DA Dansk الدنماركية
RN Kirundi الكيروندي
KMR Kurmancî الكرمنجية
MS Bahasa Melayu الملايو