1. Bogga hore
  2. Noocyada
  3. Fadaa`isha iyo Aadaabta

Xaddiis Muuminka xaalkiisu yaab ayuu leeyahay, arimihiisa oo dhan waa khayr, sidaasina Muuminka maahee cid kale uma sugnaan

عَنْ صُهَيْبٍ رضي الله عنه قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ:
«عَجَبًا لِأَمْرِ الْمُؤْمِنِ، إِنَّ أَمْرَهُ كُلَّهُ خَيْرٌ، وَلَيْسَ ذَاكَ لِأَحَدٍ إِلَّا لِلْمُؤْمِنِ، إِنْ أَصَابَتْهُ سَرَّاءُ شَكَرَ، فَكَانَ خَيْرًا لَهُ، وَإِنْ أَصَابَتْهُ ضَرَّاءُ صَبَرَ، فَكَانَ خَيْرًا لَهُ».

Suheyb Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri:
"Muuminka xaalkiisu yaab ayuu leeyahay, arimihiisa oo dhan waa khayr, sidaasina Muuminka maahee cid kale uma sugnaan, haduu khayr helo wuu ku mahadin, khayr ayeyna u ahaanaysaa, hadii dhibaato ku dhacdana wuu sabrayaa, oo khayr ayeyna u noqonaysaa.

Xadiis Saxiix ah Waxa wariyay Muslim Saxiix Muslim - 2999

Sharraxaad

Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu la yaabay Muuminka arinkiisa iyo axwaashiisa, isagoo-Rasuulku- jeclaysanaya arinkaa, waayo xaalkiisoo dhan baa kheyr wada ah, Muuminka maahee cid kale uma sugna arinkaasi, Hadii wax farxad leh uu helo wuu ka mahadin markaasuu mahad naqaas ka helayaa ajar. Hadii dhib ku dhacona wuu ku sabraa oo Ilaahay ayuu ajar ka helayaa, wuxuuna sabirkaa ka helayaa ajar, sidaa awgeed mar walba wuxuu helayaa ajar.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Fadli ayey leedahay in laga mahad celiyo nicmada oo lagu sabro dhibka, Qofka sidaa sameeya Aduun iyo Aakhiroba wuxuu helayaa khayr, Qofka aan ka mahad celin nicmada oo aan ku sabrin musiibada waxaa dhaafay ajar wayn, wuuna danbaabay.
  2. Iimaanku fadli ayuu leeyahay, ajarkana mar walba waxaa iska leh dadka Iimaanka leh.
  3. Nicmada oo laga mahad celiyo, iyo dhibka oo lagu sabro waa sifaadka Muuminiinta.
  4. In la rumeeyo Qadaha iyo Qadarka Ilaahay waxay ka dhigaysaa Muuminka inuu axwaashiisa oo dhan ku raali noqdo, waxaa ka duwan Qofka aan Muuminka ahayn kaasoo ku jiraya caro joogto ah marka dhib ku dhocoba, hadii Ilaahay nicmo siiyana wuxuu kaga mashquulaa cibaadada Ilaahay, waliba wuxuu u isticmaala macsida Ilaahay.

Bandhigga tarjumada.

57 Tarjumada
EN English Engriisi
UR اردو Urduu
ES Español Isbaanish
ID Indonesia Indunuusi
UG ئۇيغۇرچە Luqadda iigoorka
BN বাংলা Luqadda Bengaaliga
TR Türkçe Luqadda Turkiga.
RU Русский Ruush
BS Bosanski Boosni
SI සිංහල Luqadda Sanhaaliga
HI हिन्दी Luqadda Hindida
ZH 中文 Luqadda Shiinaha
FA فارسی Luqadda Faarisiga
VI Tiếng Việt Luqadda fiitnaam
TL Tagalog Luqadda Tajaluga
KU Kurdî Kurdiga
HA Hausa Hawsaha
PT Português Boortaqiis
ML മലയാളം Malayaalim
TE తెలుగు Telgoo
SW Kiswahili Sawaaxili
TA தமிழ் Taymaali
MY မြန်မာ Boorma
TH ไทย Taylaand
DE Deutsch Jarmal
PS پښتو Luqadda bushtuuga
AS অসমীয়া Asaami
SQ Shqip Albaani
SV Svenska Luqadda iswiidhen
AM አማርኛ Luqadda Amxaariga
NL Nederlands Luqadda hoolandiga
GU ગુજરાતી Luqadda gujaraatka
KY Кыргызча Luqadda qer-qeesiya
NE नेपाली Luqadda nebool
YO Yorùbá Yorba
LT Lietuvių Luqadda Liitawaaniga
PRS دری Luqadda dariya
SR Српски Luqadda serbiga
TG тоҷикӣ Luqadda daajiika
RW Kinyarwanda Ruwanda
RO Română Luqadda roomaaniya
HU Magyar Luqadda hangeriga
CS Čeština Luqadda jeegga
MOS Moore الموري
MG Malagasy Malgaashi
OM Oromoo Oromo
KN ಕನ್ನಡ Luqadda kinaadiga
WO Wolof الولوف
AZ Azərbaycan Adrabijaan
UZ O‘zbek Luqadda usbiika
UK Українська Luqadda yukreyn
KA ქართული الجورجية
MK Македонски المقدونية
KM ភាសាខ្មែរ الخميرية
PA ਪੰਜਾਬੀ البنجابية
MR मराठी الماراثية
KMR Kurmancî الكرمنجية