1. Bogga hore
  2. Noocyada
  3. Fadaa`isha iyo Aadaabta

Xaddiis Ma idin tusaa waxa Ilaahay dambiyada ku dhaafo oo darajaada Qofka kor loogu qaado?

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه أَنَّ رَسُولَ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ:
«أَلَا أَدُلُّكُمْ عَلَى مَا يَمْحُو اللهُ بِهِ الْخَطَايَا، وَيَرْفَعُ بِهِ الدَّرَجَاتِ؟» قَالُوا بَلَى يَا رَسُولَ اللهِ قَالَ: «إِسْبَاغُ الْوُضُوءِ عَلَى الْمَكَارِهِ، وَكَثْرَةُ الْخُطَا إِلَى الْمَسَاجِدِ، وَانْتِظَارُ الصَّلَاةِ بَعْدَ الصَّلَاةِ، فَذَلِكُمُ الرِّبَاطُ».

Abii Hureyra -Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey inuu yiri Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri:
"Ma idin tusaa waxa Ilaahay dambiyada ku dhaafo oo darajaada Qofka kor loogu qaado?" waxay dheheen haa, Rasuulkii Ilaahayow, wuxuu yiri:"waa Waysada oo lagu xeel dheeraado Waqtiyada Waysada la dhibsado, Talaabada oo loo badiyo xaga Masaajida iyo Salaada ka dib oo la sugo Salaada xigta, taasi waa iyado Jihaad loo darban yahay.

Xadiis Saxiix ah Waxa wariyay Muslim Saxiix Muslim - 251

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiye wuxuu waydiiyey Asxaabtiisa inay rabaan inuu tuso camal sabab u noqda in dambiga la dhaafo oo laga masaxo Diiwaanka Malaa`igtu ku qorto, oo laga masaxo Buugta Malaa'igtu ku qorto oo lagu helo darajo sare?
Waxay dheheen Asxaabtu: haa waan doonaynaa kaas, wuxuu yiri:
Kan 1aad: waa in sifiican loo Wayso qaato Waqtiyada la dhibsanyo Biyaha, sida Qabowga, Biyo yaaranta, Jirka oo xanuunsan iyo Biyaha oo kulul.
Kan 2aad: waa in talaabada loo badiyo xaga Masaajidka, Talaabaduna waa masaafada u dhaxaysa labada Lugood oo loo qaado Masaajida ka fog Guriga iyo in Inbadan lagu soo celceliyo Talaabadaas.
Kan 3aad: waa Waqtiga Salaada oo la sugo, iyo Qalbiga oo ku xiran Waqtiga Salaada loona diyaargaroobo Salaada iyo Masjidka oo la fariisto oo lagu sugo Jamaacada, oo haduu Salaada tukado uu fadhiyo meeshii uu ku tukaday ilaa Salaada xigta la gaaro.
Ka dib Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in camalkaasi yahay Jihaad run ah loo darban yahay, waayo Nafta ayuu ka xirayaa dariiqa Shaydaanka hawadana wuu qasbayaa oo ka joojinayaa inay aqbasho waswaaska, markaas ayey xisbiga Ilaahay ka adkaanayaan Ciidanka Shaydaanka, kaasaana ah Jihaadka weyn, taasina waxay la mid tahay Qof Dhufays ugu jira Cadowga.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waa muhiim in la ilaaliyo Salaada Jamaacada ah oo lagu tukado Masaajidka, oo ihtimaam la siiyo Salaadaha oo aan laga mashquulin.
  2. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee si fiican ayuu ugu soo bandhigay Asxaabtiisa wuuna jeclaysiiyey isagoo ku bilaabay qaab su`aal ah, waana qaab ka mida qaababka wax loo baro dadka.
  3. Faa'iidada ay leedahay masalada oo loo dhigo qaab su'aal iyo jawaab ah: waa inuu hadalku noqdo mid saamayn ku leh Nafta waayo inta la qariyey ayaa la cadeeyey.
  4. Wuxuu yiri Imaam Nawawi Allaha u naxariistee: kaasi waa Ribaad: waa Ribaad la jecel yahay, Ribaadka asal ahaantiisuna waa in shay loo xabiso cibaadadaas, waxaa kaloo la yiri waa Ribaadka ugu fadliga badan waxaa kaloo la yiri: jihaadka runtaahi waa Jihaadka Nafta, waxaa kaloo la yiri waxaa dhici karta in laga wado Ribaadka qofka u fudud oo u suuragalka ah, yacni: waa Ribaad ka mida noocyada Ribaadka.
  5. Way soo noq-noqotay weedha "Ribaad" waxaana lagu qeexaa "AL" waana tan wax lagu qeexo: si loo wayneeyo xaalka acmaashaas.

Bandhigga tarjumada.

56 Tarjumada
EN English Engriisi
UR اردو Urduu
ES Español Isbaanish
ID Indonesia Indunuusi
BN বাংলা Luqadda Bengaaliga
TR Türkçe Luqadda Turkiga.
RU Русский Ruush
BS Bosanski Boosni
SI සිංහල Luqadda Sanhaaliga
HI हिन्दी Luqadda Hindida
ZH 中文 Luqadda Shiinaha
FA فارسی Luqadda Faarisiga
VI Tiếng Việt Luqadda fiitnaam
TL Tagalog Luqadda Tajaluga
KU Kurdî Kurdiga
HA Hausa Hawsaha
PT Português Boortaqiis
ML മലയാളം Malayaalim
TE తెలుగు Telgoo
SW Kiswahili Sawaaxili
TA தமிழ் Taymaali
MY မြန်မာ Boorma
TH ไทย Taylaand
DE Deutsch Jarmal
PS پښتو Luqadda bushtuuga
AS অসমীয়া Asaami
SQ Shqip Albaani
SV Svenska Luqadda iswiidhen
AM አማርኛ Luqadda Amxaariga
NL Nederlands Luqadda hoolandiga
GU ગુજરાતી Luqadda gujaraatka
KY Кыргызча Luqadda qer-qeesiya
NE नेपाली Luqadda nebool
YO Yorùbá Yorba
LT Lietuvių Luqadda Liitawaaniga
PRS دری Luqadda dariya
SR Српски Luqadda serbiga
TG тоҷикӣ Luqadda daajiika
RW Kinyarwanda Ruwanda
RO Română Luqadda roomaaniya
HU Magyar Luqadda hangeriga
CS Čeština Luqadda jeegga
MOS Moore الموري
MG Malagasy Malgaashi
OM Oromoo Oromo
KN ಕನ್ನಡ Luqadda kinaadiga
WO Wolof الولوف
AZ Azərbaycan Adrabijaan
UZ O‘zbek Luqadda usbiika
UK Українська Luqadda yukreyn
KA ქართული الجورجية
MK Македонски المقدونية
KM ភាសាខ្មែរ الخميرية
PA ਪੰਜਾਬੀ البنجابية
MR मराठी الماراثية
KMR Kurmancî الكرمنجية