1. Bogga hore
  2. Noocyada
  3. Fadaa`isha iyo Aadaabta

Xaddiis Ma iidiin sheegaa acmaashiina kuwa ugu fadliga badan, uguna daahirnimada badan xaga Allaha Boqorkiina ah, uguna sare qaadid badan darajooyinkiina

عَنْ أَبِي الدَّرْدَاءِ رضي الله عنه قَالَ: قَالَ النَّبِيُّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ:
«أَلاَ أُنَبِّئُكُمْ بِخَيْرِ أَعْمَالِكُمْ، وَأَزْكَاهَا عِنْدَ مَلِيكِكُمْ، وَأَرْفَعِهَا فِي دَرَجَاتِكُمْ وَخَيْرٌ لَكُمْ مِنْ إِنْفَاقِ الذَّهَبِ وَالوَرِقِ، وَخَيْرٌ لَكُمْ مِنْ أَنْ تَلْقَوْا عَدُوَّكُمْ فَتَضْرِبُوا أَعْنَاقَهُمْ وَيَضْرِبُوا أَعْنَاقَكُمْ؟» قَالُوا: بَلَى. قَالَ: «ذِكْرُ اللهِ تَعَالَى».

Abii Dar-daa Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri:
"Ma iidiin sheegaa acmaashiina kuwa ugu fadliga badan, uguna daahirnimada badan xaga Allaha Boqorkiina ah, uguna sare qaadid badan darajooyinkiina oo idiinka khayr badan inaad dahab iyo lacag bixisaan, oo idiinka khayrka badan inaad la kulantaan Cadowgiina aadna Qoorta ka garaacdaan iyaguna ay Qoorta idinka garaacaan?", waxay dheheen: haa Rasuulkii Ilaahayow noo sheeg, wuxuu yiri: "waa dikriga Ilaahay ".

Xadiis Saxiix ah Waxaa wariyay At-tirmidi, Ibnu Maajah iyo Axmed Sunan At-tirmidi - 3377

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu waydiiyey Asxaabtiisa:
Ma doonaysaan inaan idiin sheego oo idin baro acmaashiina kuwa ugu khayrka badan, uguna sharfta badan, uguna barako badan, oo ugu daahirnimada badan, uguna nadiifsan xaga Allaha Maaliga ah ee Casa Wajale ah.
DarajaadkiinaJanadana idiin kor yeelid badan.
Ee idiinka khayr badan inaad Sadaqaysaan Dahabka iyo Fidada?
Ee idiinka khayr badan inaad Gaalada Jihaad la gashaan oo aad Qoorta ka garaacdaan, iyaguna Qoorta idinka garaacaan?
Waxay dheheen Asaxaabtu: haa, waan doonaynaa, Rasuulkii Ilaahayow.
Rasuulku -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu yiri: waa dikriga Ilaahay, oo aad xustaan waqti kasta iyo qaab walba iyo xaalad kasta oo aad ku jirtaan.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Joogtaynta xuska Ilaahay kor iyo hoosba loo xuso waa acmaasha Ilaahay loogu dhawaado, uguna anfaca badan xaga Ilaahay.
  2. Dhamaan acmaasha waxaa loo jideeyey waa xusitaanka Ilaahay, Ilaahay sareeye wuxuu yiri: "Salaada u oog xuskayga dartii". Nabiguna nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: waxaa loo jideeyey dawaafka Kacbada lagu dawaafo, iyo socodka Safa iyo Marwa, iyo tuurida Dhagaxyada Jamaraadka Mina in la oogo dikriga Ilaahay. waxaa wariyey Abuu Daa'uud iyo Tirmidi.
  3. Alcis Binu Cabdisalaam wuxuu ku yiri Qaacidooyinkiisa: xadiiskani wuxuu ka mid yahay wax yaabaha ku tusaaya in ajarka aan lagu helin sida camalka loogu daalo, taasoo ah dhamaan cibaadaadka, waxaaba dhici kara in Ilaahay camal yar ku abaal mariyo ajar ka badan kan uu ku bixiyo acmaal badan, hadaba ajarku wuxuu u kala bataa waa siday acmaashu u kala sharaf badan yihiin.
  4. Almanaawi wuxuu ku sheegay kitaabka "Faydul qadiir": xadiiskaan waxaa lagu xambaarayaa in dikrigu yahay waxa u fadli badan dadka lagala hadlayo xadiiskaan, hadiise loo jeedin lahaa hadalka geesi soomajeeste ah oo Islaamka dagaal wax ugu tara waxaa lagu oran lahaa waa jihaad, ama mid hantile ah oo dadka Saboolka ahi xoolihiisa ku intifaacayaan waxaa lagu oran lahaa waa Sadaqada, ama mid awooda inuu soo xajiyo waxaa lagu oran lahaa waa Xajka, ama mid labadiisa waalid nool yihiina waxaa lagu oran lahaa iyaga u baari noqo, sidaasaa lagu helaa iswaafajinta Axaadiista.
  5. Dikriga ugu kaamilsan waa midka Carabku ku hadlo Qalbiguna macnihiisa ku tadaburo, waxaa ku xiga dikriga Qalbiga kaliya laga xuso sida fakarida, waxaa kusii xiga dikriga Carabka oo keliya laga xuso, dhamaana ajarbay leeyihiin in shaa Allah Tacaalaa.
  6. Muslimka joogteeya adkaarta ku saabsan axwaasha Qofka sida adkaarta Subaxa, Galabta, galida Masjidka, galida Guriga, galida iyo ka soo bixida Suuliga .... iyo qayrkoodba waxay ka dhigayaan Qofka inuu ka mid noqda kuwa Ilaahay in badan xusa.

Bandhigga tarjumada.

57 Tarjumada
EN English Engriisi
UR اردو Urduu
ES Español Isbaanish
ID Indonesia Indunuusi
UG ئۇيغۇرچە Luqadda iigoorka
BN বাংলা Luqadda Bengaaliga
TR Türkçe Luqadda Turkiga.
RU Русский Ruush
BS Bosanski Boosni
SI සිංහල Luqadda Sanhaaliga
HI हिन्दी Luqadda Hindida
ZH 中文 Luqadda Shiinaha
FA فارسی Luqadda Faarisiga
VI Tiếng Việt Luqadda fiitnaam
TL Tagalog Luqadda Tajaluga
KU Kurdî Kurdiga
HA Hausa Hawsaha
PT Português Boortaqiis
ML മലയാളം Malayaalim
TE తెలుగు Telgoo
SW Kiswahili Sawaaxili
TA தமிழ் Taymaali
MY မြန်မာ Boorma
TH ไทย Taylaand
DE Deutsch Jarmal
PS پښتو Luqadda bushtuuga
AS অসমীয়া Asaami
SQ Shqip Albaani
SV Svenska Luqadda iswiidhen
AM አማርኛ Luqadda Amxaariga
NL Nederlands Luqadda hoolandiga
GU ગુજરાતી Luqadda gujaraatka
KY Кыргызча Luqadda qer-qeesiya
NE नेपाली Luqadda nebool
YO Yorùbá Yorba
LT Lietuvių Luqadda Liitawaaniga
PRS دری Luqadda dariya
SR Српски Luqadda serbiga
TG тоҷикӣ Luqadda daajiika
RW Kinyarwanda Ruwanda
RO Română Luqadda roomaaniya
HU Magyar Luqadda hangeriga
CS Čeština Luqadda jeegga
MOS Moore الموري
MG Malagasy Malgaashi
OM Oromoo Oromo
KN ಕನ್ನಡ Luqadda kinaadiga
WO Wolof الولوف
AZ Azərbaycan Adrabijaan
UZ O‘zbek Luqadda usbiika
UK Українська Luqadda yukreyn
KA ქართული الجورجية
MK Македонски المقدونية
KM ភាសាខ្មែរ الخميرية
PA ਪੰਜਾਬੀ البنجابية
MR मराठी الماراثية
KMR Kurmancî الكرمنجية