1. Bogga hore
  2. Noocyada
  3. Fadaa`isha iyo Aadaabta

Xaddiis Ilaahay wuxuu fidiyaa GacantiisaHhabeenka si uu u tawbo keeno midka Maalinta dambaabay, Maalintana wuu fidiyaa Gacantiisa si uu u towbo keeno midka Habeenka dambaabay, ilaa Qoraxu ka soo baxdo meesha ay u dhacdo

عَنْ أَبِي مُوسَى رضي الله عنه عَنِ النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ:
«إِنَّ اللهَ عَزَّ وَجَلَّ يَبْسُطُ يَدَهُ بِاللَّيْلِ لِيَتُوبَ مُسِيءُ النَّهَارِ، وَيَبْسُطُ يَدَهُ بِالنَّهَارِ لِيَتُوبَ مُسِيءُ اللَّيْلِ، حَتَّى تَطْلُعَ الشَّمْسُ مِنْ مَغْرِبِهَا».

Abii Muusa Alashcari Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu yiri:
"Ilaahay wuxuu fidiyaa GacantiisaHhabeenka si uu u tawbo keeno midka Maalinta dambaabay, Maalintana wuu fidiyaa Gacantiisa si uu u towbo keeno midka Habeenka dambaabay, ilaa Qoraxu ka soo baxdo meesha ay u dhacdo."

Xadiis Saxiix ah Waxa wariyay Muslim Saxiix Muslim - 2759

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Ilaahay ka tawbo aqbalaayo Adoomadiisa, Hadii adoonku Maalintii dambaabo oo Habeenkii u towbo keeno Ilaahay waa ka aqbalayaa, hadii Habeenkii uu dambaabo oo Maalintii towbo keeno Ilaahay wuu ka aqbalayaa towbadiisa, Ilaahay wuu fidiyaa Gacantiisa Isago ku faraxaaya towbada, oo aqblaaya towbada, albaabka towbaduna wuxuu ahaanayaa mid furan ilaa Qoraxdu ka soo baxdo meeshay u dhacdo taaso tusaysa in Aduunkii dhamadaay, hadii Qorax ka soo baxdo galbeedka albaabkii towbadu waa xirmay.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Towbada waa la qabalayaa inta albaabkeedu furan yahay, Albaabkeedana waa la xirayaa hadii Qoraxdu ka soo baxdo meesha ay u dhacdo, iyo in Qofku towbo keeno inta aanay naftu soo gaarin dhuunta.
  2. Waa inaan la quusan danbi la qalay awgeed, Ilaahay cafintiisa iyo Naxariistiisu waa wayn tahay, albaabka towbaduna waa furan yahay.
  3. Shuruuda towbada: mida 1aad: dambiga oo la joojiyo. mida 2aad: waa in laga qoomameeyo dambigii. mida 3aad: waa inuu go'aansado inuusan ku noqon dambigaas waligi, waa haduu yahay xuq Ilaahay, haduuse yahay xaq aadane shuruuda towbada waxaa ku jira inuu xaqa aadanaha gudo oo qofkii uu ka galay u celiyo, ama uu ka cafiyo kii ku lahaa.

Bandhigga tarjumada.

56 Tarjumada
EN English Engriisi
UR اردو Urduu
ES Español Isbaanish
ID Indonesia Indunuusi
BN বাংলা Luqadda Bengaaliga
TR Türkçe Luqadda Turkiga.
RU Русский Ruush
BS Bosanski Boosni
SI සිංහල Luqadda Sanhaaliga
HI हिन्दी Luqadda Hindida
ZH 中文 Luqadda Shiinaha
FA فارسی Luqadda Faarisiga
VI Tiếng Việt Luqadda fiitnaam
TL Tagalog Luqadda Tajaluga
KU Kurdî Kurdiga
HA Hausa Hawsaha
PT Português Boortaqiis
ML മലയാളം Malayaalim
TE తెలుగు Telgoo
SW Kiswahili Sawaaxili
TA தமிழ் Taymaali
MY မြန်မာ Boorma
TH ไทย Taylaand
DE Deutsch Jarmal
PS پښتو Luqadda bushtuuga
AS অসমীয়া Asaami
SQ Shqip Albaani
SV Svenska Luqadda iswiidhen
AM አማርኛ Luqadda Amxaariga
NL Nederlands Luqadda hoolandiga
GU ગુજરાતી Luqadda gujaraatka
KY Кыргызча Luqadda qer-qeesiya
NE नेपाली Luqadda nebool
YO Yorùbá Yorba
LT Lietuvių Luqadda Liitawaaniga
PRS دری Luqadda dariya
SR Српски Luqadda serbiga
TG тоҷикӣ Luqadda daajiika
RW Kinyarwanda Ruwanda
RO Română Luqadda roomaaniya
HU Magyar Luqadda hangeriga
CS Čeština Luqadda jeegga
MOS Moore الموري
MG Malagasy Malgaashi
OM Oromoo Oromo
KN ಕನ್ನಡ Luqadda kinaadiga
WO Wolof الولوف
AZ Azərbaycan Adrabijaan
UZ O‘zbek Luqadda usbiika
UK Українська Luqadda yukreyn
KA ქართული الجورجية
MK Македонски المقدونية
KM ភាសាខ្មែរ الخميرية
PA ਪੰਜਾਬੀ البنجابية
MR मराठी الماراثية
KMR Kurmancî الكرمنجية